Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mulkiilaha Maqaayadda Village ee Muqdisho ee beeniyey uu u shaqeeyo Sirdoonka Ingriiska

$
0
0

vilageeeMuqdisho(RBC Radio) Mulkiilaha Maqaayadda Village ee magaalada Muqdisho oo shalay lala eegtay weeraro qaraxyo ah oo maanta shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay eedeymo ay Al-shabaab isaga u jeediyeen iyo dhibaatadii ka dhacday Maqaayadiisa.

Axmed Jaamac Maxamed oo loo yaqaan Axmed Village ayaa ku sheegay shirkiisa Jaraa’id iney waxba kama jiraan yihiin eedeymihii Al-shabaab ay isaga usoo jeediyeen,wuxuuna daboolka ka qaaday inuusan ahayn qof u shaqeeya Sirdoonka dowladda Ingriiska.

“Waxaan aaminsanahay inaan ahay shaqsi Soomaaliyeed oo ka ganacsanaya dalkiisa,cid kale uma shaqeeyo ee anaa shaqaysta,waxaan ahay nin Soomaaliyeed oo u yimid dalkiisa inuu shaqooyin u abuuro dhalinta Soomaaliyeed”ayuu yiri Axmed Jaamac Maxamed Mulkiilaha Maqaayadda Village ee magaalada Muqdisho.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in weerarada lagu bartilaameedsanayo Maqaayadiisa iyo hanjabaadaha loo jeedinayo ineysan wax saamayn ah ku yeelan doonin ganacsigiisa,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in Maqaayadiisu ay tahay goob ay dadweynuhu leeyihiin ayna sii shaqayn doonto.

Axmed ayaa beeniyey warka Al-shabaab ee la xiriira in Maqaayadda Village ay tahay goob ay ku kulmaan waxa ay ku sheegeen saraakiisha Jawaasiista u shaqeeya hay’adaha Sirdoonka Ingiriiska ee MI5 iyo MI6.

“cid aan saxan bariis ah ka gado mooyee cid kale iima timaado,masuul isku aaminaya Maqaayad yar oo aan damaanad qaadi karin amnigiisa ma jiro”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mulkiilaha Maqaayadda Village ee Muqdisho oo shalay lagu weeraray qaraxyo geystay khasaare aad u fara badan.

Maqaayadda Village ayaa bartilmaameed u noqotay weerarada Al-shabaab,kal hore bishan oo kale ayey ahayd markii weeraro qaraxyo ah oo Al-shabaab sida si lamid ah ay ugu qaadeen Maqaayadda Village ay naftooda ku waayeen dad badan oo rayid ahaa oo ay qayb ka ahaayeen wariyaal Soomaaliyeed oo xiligaan Maqaayadda ku Shaahayey.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles