Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliya oo xarunta madaxtooyadda ku qaabiley madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe

$
0
0

15782

Muqdisho[RBC Radio]Xarunta madaxtooyadda Soomaaliya waxaa xalay uu kulan ballaaran oo casho sharaf ah ku dhex marey wafti uu hoggaaminayey madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,waxana cashadaan fidiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka labadda dhinac waxaa ku waheliyey xubno katirsan golaha wasiiradda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lugu casumey kulankaas.

Inta ay socotey cashada uu madaxweyne Xassan Sheekh ku casumey waftiga maamulka Jubba,ayaa waxaa hadalo kooban ka jeedeyey madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Ugu horentii waxaa dahfurey shirka dhex marey DFS iyo Jubba,wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi waxana uu sheegey in wax lugu farxo ay tahay in madaxweyne Axmed Madoobe uu yimaado xarunta madaxtooyadda Soomaaliya lana kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh.

Ciilmooge waxaa uu inta ku darey in la soo afjarey khilaafkii ka dhaxeeyey dowladda faderaalka iyo maamulka gobollada Jubooyinka taasina ay tahay guul weyn oo usoo hoyatey dhamanba shacabka Soomaaliyed gaar ahana kuwa ku nool gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynah maamulka KMG-ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa isna dhinaciisa hadal uu jeediyey waxaa uu ku sheegey in shacaka Soomaaliyed ay yihiin kuwo isku dan ah,hal cadowna iyo hal dowladdood leh taasina badal keeda loo bahan yahay in lawada shaqeeyo lana garab istaago dowladda Soomaaliyed.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in sidoo kale hada kadib uu dhamaaday arrimihii ku aadan ku mashquulida Magaalada Kismaayo iyo Muqdisho intaba oo laga gudbay arrintaasi.

Ugu danbeenti madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna hadal ka jeediyey munaasabadan,waxana uu dhiniciisa sheegey inay tahay wax wanagsan in lasoo gaba gabeeyo khilaf ay tabanayen dhinac Soomaali,waxana uu dar daaran ku jeediyey in la dhowro heshiiskii lagaarey lana iska ilaaliyo waxkasta oo wax u dhimi kara isfahanka labada dhinac ay gaaren.

Kulanka labada dhinac ayaa yimid kadib markii dhawaan heeshis ay kusoo kala saxiixden magaaladda Addis Ababa halkaaso lugu dhameeyey khilafkii ay kala tabanayeen.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles