Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SH Maxamuud oo ka socota magaalada Beledweyne

$
0
0

beldweyneeBeledweyne(RBC Radio) Qabanqaabo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud oo la filayo inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Beledweyne ayaa  ka socota garoonka diyaaradaha magaaladaasi ee Ugaas Khaliif.

Dhammaan masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,waxgaradka,Haweenka,Ardayda gudsiyada,saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan ayaa xiligan ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne si ay usoo dhaweeyaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasah SH Maxamuud oo ku wajahan magaaladaasi.

Waxaa maanta inta badan xiran goobihii,ganacsiga iyo dugsiyadii waxbarashada magaalada Beledweyne,dadka ayaa iskugu soo baxay wadooyinka magaalada iyaga oo gacmaha ku wata calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaf wareegaya xaafadaha magaalada si ay u xaqiijiyaan amniga magaalada.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goordhow ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Saaka ayaa lagu waday inuu madaxweynuhu u ambaboxo magaalada Jowhar balse waxaa soo baxay in madaxweynuhu uu safarkiisa u weeciyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles