Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowlada Puntland Axmed sheekh Jaamac ayaa sheegay in uu maqlay in Madaxweynaha Soomaliya uu dalbaday Wadahal uu la galo Puntland hadii hadalkaasi jiro wuxuu wasiirku cadeeyey in ay soo dhaweynayaan diyaarna u yihiin wuxuuse sharuud ka dhigay in marka hore laga bilaabo wadahadalka joojinta waxyaabaha ay dhibsatay Puntland ee ah ku xadgudubka Dastuurka Dalka iyo Meel marsiga Dhaqaalaha lagu soo qaato Magaca Soomalida kadib markaa la aqbali karo in Miiska wadahadalka leysugu yimaado oo la wada garamo ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.
“ Waan maqlay un in Xasan yiri Puntland baan la hadlayaa laakiin hadalkaas aniga Idaacadaha iyo Tvyada kama dhageysan dadkase waan ka maqlay hadalkaas haduu dhab yahay waan soo dhaweynayaa diyaarna waan u nahay ma nihin dad nabada Neceb laakiin wadiiqo dheer ayaa wadahadalka loo marayaa marka hore waa in la joojiyaa sababta keentay inaan xiriirka u jarno dowlada Muqdisho oo Dastuurka sidiisii lagu soo celiyaa oo la wada wadaagaa Hantida lagu soo helo Magaca Soomalida oo federaaliisimkana lagu dhaqmaa markaas ayaan xukuumada Muqdisho wadahadal la geli karnaa intaa wixii ka horeeyase Afkeenu waa inoo furan yahay sidaa waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu dhanka kale ka tacsiyeeyey Qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay ee dadku dhinteen kuna dhaawacmeen wuxuuna ku tilmaamay in uu ahaa mid wuxushnimo ah oo dad aan waxba galabsan lagu laayay waxaana ku tilmaami karnaa buu yiri Xasuuq ay geysteen kooxda Alshabaab wuxuu kaloo wasiirku ku baaqay in si wada jir ah looga hortago Kooxda caadeysatay in ay argagaxa ku disho umada Soomaaliyeed waana Cadaw Guud ee ma ahan buu yiri kuwo Muqdisho un colaadinaya.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.