Muqdisho (RBC) Socdaal maanta oo Axad ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagi lahaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la joojiyey, sababo aan la shaacin.
Safarka madaxweynaha ayay ahayd inuu maanta ku gaaro degmada Jowhar uuna sii maro magaalada Balcad, hase yeeshee saaka ayaa la ogaaday in safarka madaxweynuhu uu baaqday.
Warar laga helayo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay lagu soo wargeliyey baaqahada socdaalka madaxweynaha, isla markaana dib loo soo celiyey saraakiil madaxtooyada ka tirsan iyo ilaalada madaxweynaha oo si hordhac ah loo sii geeyay Jowhar.
Labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa magaalada Jowhar ka socday qabanqaabada lougu diyaargaroobayo soo dhoweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana laga dareemayey magaalada amaanka oo aad loo adkeeyay iyo ciidamo fara badan oo magaalada ku sii qulqulayey.
Illaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee loo hakiyey socdaalka madaxweynaha uu ku tagi lahaa magaalada Jowhar, hase yeeshee waxaa warku soo baxay kadib markii xalay qaraxyo ay ka dheceen magaalada Jowhar.
RBC Radio