Jabuuti[RBC Radio]Dalka Jabuuti waxaa kuwadda sugan labo wafti oo ka kala socda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyed.
Horey waxaa dalkaa u joogey wafti uu hoggaaminayo ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),waxana shaley gaarey isla dalka wafti ka kicitimay magaaladda Addis Ababa oo uu hor-socdo madaxweynaha Puntland Dr.Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Waxaa galinkii danbe ee shaley Hotelka ay dagan yihiin waftiga Puntland gaarey ra’isal wasaaraha Soomaaliya Saacid oo ay weheliso Marwadiisa,waxana ay ku wargaliyeen waftiga dowladda Puntland inay u fidiyeen kulan casho sharaf ah,taaso labada dhinac ay isku arkaan.
Cashaadan ay fidiyeen R/wasaare Saacid iyo Marwadiisa ayaa waxaa aqbaley waftiga madaxweyne Faroole waxana ay inta ay ku gudajireen cashada kawada hadleen labada dhinac arrimo dhor ah oo aysan ku jirin wax la xiriira siyaasada ka jirta Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa si ka baxsan siyaasada iska xogwarestey,waxana ra’isal wasaare Saacid iyo madaxweyne Faroole u wada-hadlleen si is xog wareysi ah,mana aysan soo hadal qaadin arrimaha ka dhex jira dowladda faderaalka iyo Puntland.
Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa hadal uu jeediyey casho sharafta kadib waxaa uu ka mahad-celiyen,sida ay usoo boqdey R/wasaare Saacid iyo Marwadiisa cashadan ugu fidiyeen.
…”‘”‘Waxaan ad ugu faraxsanahay madashan an ku kulmeeno oo ay joogan R/wasaare Saacid iyo Marwadiisa,waxaa wax wanagsan ah inan sidan la isku hor fadhiyo iyadoo wajiyaddeena ay yihiin kuwo ay farxadi dhex taalo…”"‘ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Madaxweyne Faroole waxaa ku waheliyey kulankaan cashada ah ee xalay ka dhacday dalka Jabuuti xubno ka tirsan wasiiradda Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaada,arrimaha gudda,dakeddaha iyo xubno kale.
Waxaa la sheegaya inay sura gal tahay inta labada wafti inta ay kusugan yihiin dalka Jabuuti inay kawada-hadllaan khilaafka siyaasaded ee ka dhex jira dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland oo muddadii danbe sii xooggeysanayey,balse ma jirto cid arrinta illaa hadda xaqiijisey.
Si kastaba waxaa uu is aragaan madaxweyne Faroole iyo R/wasaare Saacid uu ku soo aadaya xili uu isfahan waa ka dhex jiro DFS iyo Puntland,taaso kentey in Puntland ay xiriirki u jarto dowladda faderaalka.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio