Muqdisho (RBC) Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ogaaday in labo suxufi ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarkii isqarxinta ahaa ee lagu qaaday maqaayada The village ee ku taala guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho taariikhdu marka ay ahayd September 07, 2013, weerarkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof oo dhacay abaaro 11:00am.
Firirka qaraxa ayaa Mohamed Hasan Ali oo lagu naaneyso “National”, una shaqeeya idaacada Haatuf ayaa firirkii qaraxa uu ka dhaawacay gacanta bidix and lugta midig, iyadoo sidoo kale uu dhaawac fudud oo madaxa ah uu ka soo gaaray weriye Shuceyb Cawil Daahir oo u shaqeeya idaacada Kulmiye. Labada idaacadooba waa idaacado si gaar ah loo leeyahay.
Weriyayaal daraasiin ah ayaa maalin walba aada maqaayada the village, halkaas oo ay isku dhaafsadaan warbixinada, kuna shah cabaan. Bishii September ee sanadkii hore ayay ahayd markii maqaayada sadex weriye lagu dilay weerar isla maqaayadan lagu soo qaaday.
“Weerarku waxa uu dhacay markii weriyayaashu ka kala rawaxeen meesha oo shaqooyinkoodii kala aadeen,” sidaa waxaa yiri, Maxamed Xasan Cali, oo ka mid ahaa weriyayaasha meesha ku dhaawacmay, “Runtii aad ayaan u nasiib badanahay, Alle mahadiis.”
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu cambaareeyey weerarkaas, isla markaana ku tilmaamay weerarkaas nasiib darro, uguna baaqay weriyayaasha inay ka fogaadiyaan goobaha dadka badan isugu yimaadaan.
“Aad ayaan uga caroonay weerarkan lagu dhaawacay asxaabteena, waxaana welwel nooga imaanayaa sidii ammaanka xubnaheena loo sugi lahaa” sidaa waxaa yiri, Mohamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana ugu baaqay dowladda federalka ah inay muhiimad weyn siiso difaacida suxufiyiinta iyo xorriyatul qowlka si loo yareeyo dhibaatooyinka ku dhaca suxufiyiinta, isla markaana dowladu ay dhameyso dembiyada aan la isu ciqaabin.
“Waxaan Alle uga baryeynaa saaxiibadeen in caafimaad deg eg ah siiyo.” Md. Ibrahim ayaa intaa raaciyey.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarsan suxufiyiinta. Sanadkan gudihiisa lix isugu jira weriyayaal iyo shaqaale warbaahineed ayaa Soomaaliya lagu dilay. Sanadkii la soo dhaafay waxaa la dilay ugu yaraan 18 ka mid ah bahda warfaafinta.
RBC Radio