Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Prof Cali Maxamed Geeddi”Madaxweyne Xassan Sheekh xilka ha ka qaado masuuliyinta ammaanka u qabilsan,waayo waxay ku guul daresteen sugidda amniga”

$
0
0
R.wasaarihii DKMG ahayd ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi

R.wasaarihii DKMG ahayd ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi

Nairobi[RBC Radio]R/wasaarihii DKMG ahayd ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa si kulul uga hadley xaaladda ammaanka ee ka jirta magaaladda caasumada ah ee Muqdisho,kadib markii ay soo lab labteen qaraxyo kala gadisan oo ka dhacay xarunta dalka.

Cali Maxamed Geeddi waxaa uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay in uu daato dhiiga shacabka Soomaaliyed waxana uu ku baaqey dhig joojin dag dag ah oo lugu sameeyo shacabka Soomaaliyed ee ku dhimanaya qaraxyadda ka dhacay Muqdisho.

…”"”Waxaa loo bahan yahay dhig joojin deg deg ah waayo waxaa dhigoodi uu daadanaya shacabka Soomaaliyed,waa wax laga xumaadu dowladduna waxba wali kama aysan qaban xaaladda dalka gaar ahana mida ammaanka ee ka jirta Muqdisho,waxaa muuqata inay soo lab laabaneyso dhibaato saamen ku yelaneysa shacabka dhibaatada kusoo jirey muddo 22-sanno ah taasna ma ahaa wax ku wanagsan inay dib ugu labtaan shacabka Soomaaliyed…”‘”"ayuu yiri Prof Geeddi.

Prof Geeddi waxaa uu ka hadley sababaha ka danbeeyey inay ku soo noq noqdaan qaraxyadda magaaladda Muqdisho,waxana uu arrinta ku tilmaamey inay tahay kuwo ku yimid xagal daac iyo dabacsanaan ka jirta hay’addaha dawligaa iyo liicitaan ku yimid laamaha amniga ee dawladda.

…”"‘Waxaa muuqa inay ka danbeysey in Muqdisho ay ku soo noq noqdaan qaraxyadda iyo falalka aammanka lidiga ku ah tabardari iyo dabacsanaan ka jirta hay’addaha dawligaa iyo liicitaan ku yimid laamaha amniga ee dawladda,mana ahaa sida ay moodayan madaxda dowladda xiligaan jirta in lugu sugi karo ammaanka,ee waa si ka duwan sida ay iyagu wax moodan…”"‘ayuu yiri Geeddi.

Qaraxyadda Muqdisho ka dhaca oo la sheegey inay ka danbeeyan awood darida masuuliyinta dowladda ee amniga qabilsan

Qaraxyadda Muqdisho ka dhaca oo la sheegey inay ka danbeeyan awood darida masuuliyinta dowladda ee amniga qabilsan

Cali Maxamed Geeddi waxaa uu hadalkiisa oo uu sinaya warbaahinta gudda dowladda Soomaaliya uu ku tilaamey inay tahay mid an ilbax u ahaayeen inay ka mira dhaliyaan sugidda ammaanka,maadama uu sheegey inay muuqato in lagaga tag-roonaadey dowladda in ammaanka ay sugto.

…”"‘Dowladda waa lagaga tag-roonadey inay ku guuleysato inay xal ka garto falalka ay geesanayan kooxaha kasoo hor-jeeda,taas waxay muujinaysa inay jirto ilbaxnimadda oo yar taasna waxay dhibaato u keenaysa shacabka Soomaaliyed,waana mid haboon in dib loo eego lagana wada-hadallo sidii xal looga gaari lahaa falalka ammaan xumo ee dalka ka dhacaya…”"”ayuu yiri mudane Geeddi.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey in dowladda xiligaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan markii ay qabaneysey hoggaanka in guulo badan laga gaarey ammaanka caasimada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka,waxana uu soo hadal qadey in xukuumadihii ka horeyey mida hadda jirta inay ahaayeen kuwo muujinayey dadaalka loogu jiro sidii looga guulesan laha kooxaha dhibaatadda kawada dalka.

Ugu danbeentii madaxda dawladda ayuu ugu baaqay inay isbadal ku samayso laamaha amniga iyo saraakiisha ka shaqeeya si ay wax isku badalaan,waxana uu si gaar ah fariin ugu direy madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo uu kula taliyey inuu xalka ka qaado masuuliyinta ammaanka u qaabilsan maadama ay ku guul daresteen sida uu sheegey in xal laga gaaro dhibaatadda dhanka ammaanka ee dalka ka jirta.

…”"”Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxan kula talinaya in dhamaan masuuliyinta ugu magacaaban ammaanka xilka uu ka qaado,waayo waxay ku guul daresteen in xal laga gaaro ammaanka dalka,waxaa xusid mudan dowladdihii tan ka horeyey is isbadal badan ay dhaliyeen ilaa ay magaaladda Muqdisho kasaaren al-Shabaab oo dhamanba ka talinayey Muqdisho,balse hadda waxaa muuqata in dib loogu soo labanayo halkii horey looga soo gudbey,waxan leeyahay madaxweynaha arrintaa si dheer ha u eego isbadalna ha ku sameeyo dhinacyadda dabacsan ee ammaanka u qaabilsan…”‘”ayuu yiri Geeddi.

Ma ahaa markii ugu horeysey oo uu R/wasaarihii DKMG ahayd ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ka hadlo xaaladda ammaan xumo ee ka jirta magaaladda Muqdisho balse waxaa uu dhor mar soo hadal qadey inay jirto dabac dhanka dowladda ah taaso uu ku tilmaamey inay tahay mida fududeysey inay dhacaan falala ammaanka ka baxsan.

Sidoo kale hadalka Geeddi waxaa uu ku soo aadaya xili ay wali jiraan inay Muqdisho ka dhacayaan qaraxyo iyo falal kala gadisan oo inta badan dhibaato kasoo garto shacabka.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles