Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in xalay xaafadda Hanti-wadaag ee magaaladaasi laga maqwlay dhawaqa qarax bambaano iyo rasaas culus oo daba socotay,wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.
Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka qaraxa oo ahaa bam gacmeed ayaa waxaa lagu weeraray gaari nuuca gaashaaman ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Soomaaliya,waxaana la tilmaamay inuu qaraxa dhaawac kasoo gaaray Askari ka mid ahaa ciidankii gaariga la weeraray saarnaa.
Dadka deegaanka ayaa intaa ku daraya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay intaa kadib fureen rasaas fara badan,rasaasta ayaa la sheegay ineysan wax khasaaro ah u geysan shacabkii goobta ku sugnaa,ciidamada dowladda oo looga bartay iney hawlgallo ka sameeyaan goobaha qaraxyada lagula eegto ayaan saaka wax hawlgal ah ka samayn xaafadda Hanti-wadaag ee xalay qaraxa lagula eegtay.
Xaaladda goobta uu qaxaru ka dhacay ayaa saaka dagan,maamulka gobolka Shabeelaha dhexe atyaa marar badan ku celceliyey iney wax badan ka qabanayaan xaqiijinta nabadgalyada magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaas oo xiliyada qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah amniga.
Dhanka kale waxaa si weyn looga dareemayaa xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud oo la filayo inuu halkaasi gaaro xiliyada soo aaddan,amniga magaalada ayaa waxaa si weyn u adkaynaya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho