Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday ineysan Al-shabaab ka adkaan karin ciidamada shisheeye ee gacanta siinaya dowladda federaalka Soomaaliya balse cidda looga fadhiyo iney la dagaalamaan iskana qabtaan Al-shabaab iney yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in ciidan Ajinabi ah uusan waxba ka qaban karin dhibaatada ay Al-shabaab bulshada Soomaaliyeed ku hayaan,wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii la iskaga celin lahaa Al-shabaab oo uu sheegay iney cadowtooyo weyn u qabaan ummadda Soomaaliyeed.
“Wiilka meesha taagan ee dadka gaadaya Ajinabi ma qaban karo,si kasta oo caalamku inoola jecel yahay iney wax nagala qabtaan nagama celin karaan,dadka Soomaaliyeed ayey u taallaa iska qabashada dadkan dhibaatada ku haya,waana inaan isku tashanaa oo aynaan caalam sugin” ayuu yiri madaxweyne Xasan SH.
Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyey iney jiraan waxyaabo ka qaldan Soomaalid,wuxuuna ku celceliyey in byulshadu ay Al-shabaab ka xoog badan yihiin,ka aqoon badan yihiin,kana xoola badan yihiin,madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo taasi ay jirto in hadane ay Al-shabaab ay qalqal ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.
“Hawshan dowlad kaligeed loo dirin maayo, culimo kaliyane loo diri maayo,waa inaan ka wada tashanaa sidii aan iskaga qaban lahayn Cadowgan dhibaatada nagu haya”ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweyne Xasan SH Maxamuud.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya kadib markii qaraxyo ay magaalada Muqdisho ka geysteen Al-shabaab ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 ruux oo rayid ah halka dhaawucune uu intaa ka badan yahay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho