Jabuuti[RBC Radio]Waxaa maantey gaarey dalka Jabuuti madaxweynada dowladda Puntland ee Soomaaliyed Dr.Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ay waheliyan xubno katirsan gollaha wasiirada iyo madaxkale.
Madaxweyne Cabdirixmaan ayaa maantey ka ambabaxay magaaladda Addis Ababa halkaaso muddadii danbe uu kusugna,intii uu Addis joogey madaxweynaha waxaa uu kulamo heer caalami ah la qaatey madaxda sare ee dalkaasi oo uu ka mid ahaa R/wasaaraha dalka.
Dr.Faroole waxaa uu socdalkiisa uu qeyb ka yahay socdaalo uu dhawaanahan ku marayey wadamo dhoor ah oo ka mid ah dalalka dariska ah.
Madaxweynaha xiligii uu garey Jabuuti waxaa halkaa kusoo dhaweeyey masuuliyin katirsan dalka Jabuuti kuwaaso uga hortagay garoonka diyaaraddaha magaaladda Jabuuti ee caasumada dalkaasi.
Waxaa lugu wadda inay kulamo wadda qaatan madaxweyne Faroole iyo madaxda dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geele iyo masuuliyin kale.
Ma jirto illaa hadda cid ka warbixisey socdaalka madaxweyne Faroole uu ku tagay dalka Jabuuti,balse waxaa la sheegey inuu qeyb ka yahay socdaaladii uu ku marayey dalalka daris ka ah.
Waxaa lugu wadda in madaxweyne Faroole uu kala hadlo madaxda dalka Jabuuti xaaladda ka jirta guddaha dalka Soomaaliya gaar ahaan mida Puntland.
Waxaana wararka anuu heleyno ay tibaaxayan in labada dhinac ay kawada hadli doonan xiriirka iyo iskaashiga kawadda dhexeeya iyo sidii loo xojin lahaa.
Si kastaba lama cayimid xiliga uu madaxweyne Faroole soo gaba gabeen doono socdalkiisa balse waxaa la caddeyey in waftiga madaxweynaha ay tagi doonan xiliga ay soo gaba gabeeyan kulamada ay Jabuuti kula qaadanayan madaxda dalkaas,magaaladda Dubai halkaaso uu ka furmi doono shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio