Beledweyne(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo hubaysan ay xalay bam gacmeed ku weerareen Maqaayad ku taalla xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyne oo ay xiligaa ku sugnaayeen dad aad u fara badan oo shacab ah.
Qaraxa oo lagu tuuray gudaha Maqaayadda ayaa waxaa la sheegay inuu dhaliyey khasaaro soo gaaray dadkii rayidka ahaa ee maqaayadda ku sugnaa,qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday 1 ruux oo rayid ah halka ay 5 kalane ku dhaawacmeen,dadka ay waxyeeladu qaraxa kasoo gaartay ayaa dhammaantood ahaa dad rayid ah.
Maqaayadda la weeraray ayaa waxaa ka agdhow fariisin ay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM leeyihiin,ciidamada booliska magaalada Beledweyne ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay,ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyey nawaaxiga goobta uu qaraxa bambaano ka dhacay.
Taliyaha ciidanka booliska magaalada Beledweyne Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla ayaa xaqiijiyey dhimashada qofka rayidka ah iyo dhaawaca 5ta kale,wuxuuna tilmaamay inuu dagan yahay xaalka magaalada Beledweyne iyo goobta uu qaraxu ka dhacay oo xiligan ay ku sugan yihiin ciidamada amniga dowladda sida uu sheegay.
Lama oga sababta keentay in weerarkan bam baano lagu weeraro Maqaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah,taliyaha ciidanka booliska degmada Beledweyne Col.Mahad Alla ayaa la weydiiyey in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sugnaayeen goobta la weeraray,wuxuuna sheegay ineysan Maqaayadda Bamka lagu tuuray ku sugneen ciidan ka tirsan askarta dowladda.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho