Jabuuti[RBC Radio]Waxaa maantey kulan ballaaran uu ku dhex marey aqalka madaxtooyadda dalka Jabuuti R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirddoon (Saacid) iyo madaxweyanah Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,waxana kulanka labadda dhinac la isla soo qadey arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labadda dowladdod iyo sidii loo si xoojin lahaa.
R/wasaare Saacid oo hadal ka jeediyey kulanka uu laqaatey madaxweyne Geele ayaa ugu horeen waxaa uu ka hadley wada-shaqeynta labadda dalka ee dhinacyadda ammaanka, siyaasadda, ganacsiga iyo dib-u-dhiska.
Saacid waxaa uu hadalkiisa uu kusoo qadey xaaladda xiligaan ka jirta guddaha dalka,iyo waxyaalihi u suura galey inta ay jirtey xukuumadda tala xiligan heysa ee uu qeybta ka yahay,waxana uu sheegey in dhanka horumarka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ay ka gaaren intii ay jiren horumar baddan.
…”"”Waxan ad ugu faraxsanahay inan markale imaado dalka anu walaalaha nahay ee Jabuuti,waxana ka mahad-celinaya sida wanagsan ee lanugu soo dhaweeyey,waxaa sidoo kale an la dafiri karin sida Jabuuti ay u garab tagan tahay walaalahoodda Soomaaliya,waxan ognahay waxa ay noo qabtan ciidamada Jabuuti ee guddaha dalka jooga,waxana wax na farxad galinaysa ah in ad nagala shaqeysan sidii dalka xasi looni ay uga dhalan lahayd…”"‘ayuu yiri R/wasaare Saacid.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa isna dhiniciisa ku amaaney dowladda xiligaan jirta dadaal ay ugu jirto dibu soo noleynta riyaadi shacabka Soomaaliyed ee muddo 22-sanno kusoo jirey dhibaatadda ay sababtey dowladd la’aantu.
…”"‘Waxaa muuqata in dowladda xiligaan dhisan ay sameenyso isku day baddan oo ku aadan in la soo noleyo riyaddii shacabka Soomaaliyed,waxana sii xoojinayna wadda shaqeynta iyo xiriirka walaltinimo ee na dhexyaala…”"”ayuu yiri madaxweyne Geele.
Dhinaca kale waxaa kulann ballaaran ay la qaaten waftiga R/wasaaraha socdalkiisa ku waheliyey oo ay ka mid ahaayen wasiirka gaashaandhigga, wasiir-u-dawlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo kan khayraadka dalka ayaa kulan ay la yeesheen ra’isul Wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed iyo wasiirka gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane waxana ay isla soo qaden arrimo baddan oo ay qeyb ka yihiin iskaashiga labadda dowladdood.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio