Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Midowga Reer Yurub oo Hawlgalka Amisom ugu Deeqay Lacago Dheeraad ah

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Ururka Midowga Yurub ayaa lacago dheeraad ah ku kordhiyey qarashaadka ay ku bixiyaan ciidmada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom Andrew Biasbosk oo ah madaxa horu marinta wadamada Midowga Yurub ayaashaaca ka qaaday iney ku kordhiyeen lacagaha ay siiyaan Amisom 33 milyan oo doolar oo dheeraad ah.

Andrew ayaa sheegay in sababaha ay u kordhiyeen lacagaas ay tahay sidii ciidamada Amisom ee hawlgalka midowga Afrika ay hawshooda ugu gudan lahaayeen sila markaane ay u heli lahaayeen tasiilaadka ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Madaxa horumarinta wadamada Midowga Yurub Adrew Biasbosk ayaa sheegay in wadamada reer Yurub ay si buuxda u taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ka socda wadamada Afrika ee Amisom oo hada dagaal qaraar kula jira kooxda alshabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa gacan buuxda siinaya ciidamada Amisom ee taaageeraya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyadoona wadamada reer Yurub ay lacago fara badan ugu deeqeen dowlada Soomaaliya,waxayna ballan qaadeen iney mar walba barbar taagnaaan doonaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo xiligan kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye oo mudada dheer ay kusoo jireen.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles