Muqdisho[RBC Radio]Waxaa lugu wadda in maalmaha ina soo aadan ay magaaladda Muqdisho ka furmaan shirar ay isku arki doonan madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG-ah ee Jubba,waxana ay arrintan ka danbeysey kadib markii maantey magaaladda Muqdisho ay soo gaaren wafti ka socda maamulka Jubba oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.
Waftigaan ayaa xiligii ay ka dagen garoonka diyaaradda ee Muqdisho waxaa si diiran halka ugu soo dhaweeyey xubno katirsan dowladda oo ay qeyb ka ahaayen wasiiro ka tirsan xukuumada oo ay ka mid yihiin wasiirkaarrimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,wasiirka warfaaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi,guddoomiyaha gobolka Banaadir,xildhibaano ka tirsan DFS iyo madax kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.
Waxana waftiga qaddo sharaf loogu sameeyey guddaha magaaladda caasumada ah ee Muqdisho,iyadoona qadadaasi ay ka qeyb galeen madax ka tirsan dowladda.
Imaatinka waftiga maamulka KMG-ah ee Jubba ayaa waxaa ay u jeedadisu tahay sidii loo dhamestiri laha heshiis ay dhawan labada dhinac kusoo kala gaaren magaaladda Addis Ababa.
Socdalka waftiga maamulka Jubba ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe,ayaa waxaa ay ka dhigeysa waftigii ugu ballaarna ee soo gaara Muqdisho kana socdda maamulka KMG-ah ee Jubba.
Hoos ka Daawo sidda looso dhaweeyey waftiga maamulka KMG-ah ee Jubba markii ay soo gaaren Muqdisho.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio