Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH oo furay Shir weynaha ka tashiga fikirada la xiriira xagjirnimada ee dalka ka jira

$
0
0

shirka CulimadaMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay shir weynaha culimada Soomaaliyeed ay uga arinsanayaan xal u helida Mushkiladaha iyo afkaarta  qaldan ee diiniga ah ee dalka ka jirta,shirweynaha ayaa waxaa ka qaybgalaya qaybaha kala duwan ee culima udiinka Soomaaliyeed.

Ajandayaasha shirka ayaa waxaa ka warbixiyey SH Daahir Maxamuud Geelle oo ah gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Shirka wuxuuna sheegay in shirka ay soo agaasintay dowladda federaalka Soomaaliya isla markaane looga arinsanayo sidii loo sixi lahaa afkaarta Diineed ee Gurracan ee Al-shabaab ay ku beereen dhalinyarada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo hadal ka jeediyey furitaanka hadalka ayaa carrabka ku adkeeyey in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo iney saxaan fahanka qaldan ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo fara  badan laga aaminsiiyey Diinta Islaamka,wuxuuna ku booriyey culimada iney u istaagaan sidii ay  dib ugu sixi lahaayeen fikirada qaldan ee laga raariday dhalinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday iney waajib Diiniya tahay in dalka laga qabto kooxaha xaqjirka ah ee Diinta sida qaldan u adeegsanaya sida uu hadalka u yiri,wuxuuna tibaaxay in cidda ugu horeysay ee waajibku ka saaran yahay ay yihiin culima udiinka Soomaaliyeed.

“Waa arrin qatar ah in qof masaajid ka soo baxay la dilo ama qof ku tukanaya gudaha masjidka lagu dilo, culumada ayaana looga fadhiyaa in fahamkaasi qaldan la saxo oo bulshada lagu baraarujiyo sida saxda ah ee Diintu qabto” sidaasi waxaa sheegay madaxweyne Xasan SH Maxamuud.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles