Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hogaanka Sare ee Jaamacada Bariga Afrika Puntland oo isbedel lagu sameeyey (Warsaxaafadeed).

$
0
0

 

afrika 

 

Garowe : Date : 07/09/2013                                                                                    

Ref./GRW/00520 /2013

Ujj: Bayaan ka soo baxay Shirkii Golayaasha Jaamacadda Bariga Afrika

I-Hordhac

 Jaamacadda Bariga Afrika oo ah Jaamacaddii ugu horeysey ee Puntland laga furay 1999-kii Islamarkaana  Kamid ah Jaamacadaha Soomaaliya ugu balaaran , waxayna Xarumo ku leedayhay ilaa todoba Magaalo oo Soomaaliaya ah , labada Gole  ee Asaasayaasha iyo Board-ka  Jaamacada Bariga Africa iyagoo gudanaya masuuliyadda weyn ee ka saaran inay si Joogto ah uga warhayaan Waqti walba Xaaladda dhabta ah ee Jaamacaddu ku sugan tahay, islamarkaana laga fekero sidii Jaamacadda marwalba loo hormarin lahaa dhinac kasta, haddii ay noqoto xaga Waxbarashada, Maamulka, Dhaqaalaha iyo Xiriiradda kala duwan ee Jaamacaddu la leedahay Gudaha iyo dibadaba si Jaamacaddu mar walba ula saanqaado  heerka  Caalamiga ah ee Jaamacadaha lagu qiimeeyo.

Sidoo kale waxaa lawada ogsoonyahay in Jaamcadda Bariga Afrika ay tahay Mu,asasad Bulshadu leedahay , Taladeedana ay mar walba Gacanta ku hayaan Masúuliyiin Bulshada laga soo dhex Xulay kana kooban ; Culimo ,Aqooyahano,iyo Ganacsataba.islamarkaana hadba Cidda loo arko inay ku haboontahay inay Madax ka noqdaan Golayaasha kala duwan ee Jaamacadda si Xor ah loogu doorto,taasoo muujinaysa maamul wanaaga iyo hogaaminta toosan.

Hadaba iyadoo Arrimahaas laga duulayo  ayaa Taariikhdu markay ahayd :28-30 Shuwaal/ 1434 kuna beegan  5-7dii September-2013, waxaa shirkii Sanadlaha ahaa ee Jaamacadda ku yeeshay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe  Golayaasha Jaamacadda Bariga Afrika oo ka kooban Golaha Asaasayaasha ,Golaha Boardka iyo Golaha Fulinta , Shirkaas oo ay ka soo bexeen Goáamo taariikhi ah oo Masúuliyiin Cusub  loogu doortay Labada Gole ee Asaasayaasha iyo Boardka Jaamacadda,sidoo kale waxaa shirkaas lagu qaatay Goáamo Muhiim ah oo Jaamacadda lagu hormarinayo.

 

  • Kadib Markii Golaha Asaasayaasha iyo Golaha Boardku warbixin faahfaahsan ka dhegeysteen Xaaladda Dhabta ah ee ka jidha Jaamacadda Bariga Afrika iyo Horumarka Jaamacaddu Gaadhay Mudadii Sanadka ahayd ee Golaha Fulinta hada jiraa Xilka hayey .
  •  Kadib Markii Golayaashu u kuurgaleen Heerka Jaamacaddu ay marayso Dhinacyada Maamulka , Dhaqaalaha iyo Waxbarashada(Akademiga) . 
  • Kadib Markii Golaha Asaasayaashu  Golaha Boardhka Jaamacadda  ka dhegeysteen Warbixintoodii.
  • Kadib Markii Golaha Asaasayaashu ka dooday Ciddii Bedeli lahayd Gudoomiyihii Asaasayaasha Jaamacadda Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaah ha u naxariistee ,iyo Xubinta Asaasayaasha ka banaanaatay Ciddii lagu Bedeli  lahaa .
  • Kadib markii Qiimayn Dhamaystiran  lagu sameeyey Heerka ay marayso Jamacadda Bariga Afrika iyo Baahida Mustaqbalka dhow iyo mida fog ee Jaamacadda .

 

 I-                   Qiimayn

 

    Arrimahaas oo dhan Markii Golayaasha Jaamacaddu dhegeysteen isla markaana      Qiimayn Buuxda ku sameeyeen waxaa u soo baxday Arrimahan :

1-      In Guddiga Fulinta ee Jaamacadda ee uu hogaaminayo Dr.Cabdirisaaq Hiirad Maxamad, Xilka Jaamacaddana hayey Sanad-Jaamacadeedkii 2012/2013. In Maamulkaasi Xilkiisa u gutey sidii ugu haboonayd isla markaana Jaamacaddu gaadhey Horumar weyn oo la taaban karo ,siiba dhinacyada , Maamulka, Waxbarashada(Akademiga ) , iyo Xiriirka Caalamiga ah .

 

2-      In Sanad Jaamacadeedka 2013/2014 uu furmo waqtigiisii Caadiga ahaa ee 15/09/2013 , isla markaana Golaha Fulintu sii wadaan Barnaamijkoodii Horumarinta iyo Tayaynta Jaamacadda kaasoo ay ugu talo galeen in la fuliyo Sanad-Jaamacadeed-kaas bilawday.

 

II-                Go’aamadii Golaha Asaasayaasha

 

             Intaas ka dib Golaha Asaasayaashu wuxuu Go,aan ku soo saaray Arrimahan :

 1-      Waxaa  Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Goddoomiyaha Cusub ee Asaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Sh.Yuusuf Cabdicasiis  Maxamad . isla markaana waxaa Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Gudoomiye ku xigeenka Asaasayaasha Suldaan Cabdi salaan Suldaan Maxamuud Axmad

 2-      Waxaa Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Prof.Maxamad Cabdi Aadan

( Gudoomiyiihii hore ee Golaha Fulinta ee Jaamacadda)  inuu Buuxiyo Xubinta Mu,sisiinta ka dhiman.

3-      Waxaa la go,aamiyey in Degdeg loogu dhiso Kuliyadaha  Caafimaadka , Xanaanada Xoolaha iyo Waxbarashada, Shaybaarro Casri ah islamarkaana lasii horumariyo Baraatikada Ardada Kuliyadahaas.

 III-              Go,aamadii Golaha Bodhka .

   Waxaa Golaha Boardku Qaraar ku soo saaray Arrimahan :

1-      Waxaa Golaha Board-ku Cod aqlabiyad ah Guddoomiye ugu doortay Dr.Aadan Shiikhdoon Cali , islamarkaana waxaa Gudoomiye ku xigeen Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Ustaad Maxamuud Qorane Maxamad .

 IV-             Mahadcelin iyo Dardaaran

 Waxaa Gloyaasha kala duwan ee Jaamacaddu u mahad celinayaan :

1-      Dawladda Puntland iyo Madaxweynaheeda Dr.Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud (Faroole) oo Jaamacadda Bariga Afrika si buuxda u garab istaagey dhinac walba uguna deeqay Dhul balaaran oo ku yaal Magaalada Garowe kaas oo Jaamacaddu Baahi weyn u qabtey .sidoo kale waxay Golayaasha Jaamcaddu si gaar ah ugu mahadcelinayaan Wasaaradaha Waxbarashada,Caafimaadka  iyo Maaliyada oo isu xilsaaray inay Fududeeyaan wixii Jaamcaddu uga baahato .

2-      Golaha Fulinta Jaamacadda oo uu Hogaaminayo Prf. Cabdirisaaq  Hiirad Maxamad  kuwaas oo muujiyey Xilgudasho dhab ah .

 3-      Hay,adda Manhal iyo Guddoomiyaheeda Sh.Cabdi waaxid Xaashi oo isu xilsaaray inay daboolaan Baahida Dhismayaalka Jaamacadda iyo Qalabayntoodaba.

 4-      Dhamaan Shirkadaha Ganacsiga ee Taageerada joogtada ah la garabtaagan Jaamacadda.

5-      Jaaliyadaha Dibadda Siiba Yurub, Maraykanka ,Afrika iyo Wadamada Carabta.

 V-                Dardaaran

 Golayaasha kala duwan ee Jaamcaddu waxay Dawladda iyo Shacabka Reer Puntlanba ka codsanayaan inay sii wadaan Taageerada ay u hayaan Jaamacadda Bariga Afrika .

 2-      Ardada dhamaysata Waxbarashada Dugsiyada sare , waxay Golayaasha Jaamacaddu ugu baaqayaan inay ka faa’iideystaan Fursadaha ay ku haystaan Dhulkooda Hooyo ee Waxbarashada heer Jaamacadeed Maadaama lawada qiray inay Waxbarashada guduhu Da’yarta uga haboon tahay ugana Khatar yar tahay Waxbarashada loo aado Wadamada dibadda.

3-      Dawladda iyo Shacabka Reer Puntland waxay Golayaasha Jaamacddu ugu Baaqayaan in lawada ilaaliyo Amniga , Xasiloonida iyo Midnimada Wadanka .

                                                                           Wabilaahi Towfiiq

                                                                          Gudoomiyaha Golaha Asaasayaasha

                                                                          Sh.Yuusuf C/Casiis Maxamed

                                                                          Gudoomiyaha Golaha Boardka

                                                                          Dr.Aadan Sheekhdon Ali.

 

_

jufa 2jufa 1________________________________________________

  Baahin RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles