Addis Ababa[RBC Radio]Dowladda Ethiopia ayaa markale si cadd u sheegtey inay doonayso in lasoo afmeero khilaafka ka dhex jira dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyed,kadib markii ay dhawaan Ethiopia ku guulesatey in la xaliyo oo heshiis buuxa laga gaaro khilafkii siyaasaded ee ka dhex jirey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee xiligan la yirahdo maamulka KMG-ah ee Jubba.
War kasoo baxay R/wasaaraha dalka Ethiopia Haile Mariam Desalegne ayaa lugu sheegey in xiligaan la qorsheenayo sidii xal looga gaari lahaa isfahan waaga dhexyaala dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland oo xiligaan isku diidan arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin muranka ka jira in isbadal lugu sameeyey dastuurki KMG-ahaa ee dalka uyaaley oo ay Puntland dowladda ku eedeyso inay qoddobo ka badashey.
Haile Mariam Desalegne R/wasaaraha Ethiopia waxaa uu hadalkiisa ku sheegey inay doonayan in xal laga gaaro kilaf kasta oo dhex yimaada dhinacyadda Soomaalida,waxana uu hadalkiisa kusoo qadey inay xiligaan ay qorsheynayan sidii xal looga gaari laha ismarin waaga siyaasaded ee ka dhex jira dowladda faderaalka iyo Puntland.
…”"”‘Waxan marwalba ku dadaali doona sidii xal looga gaari laha isfahan waaga ka dhex jira dhinacyadda Soomaalida,waxana xiligaan qorshaheenu uu yahay sidii anu isugu dayi lahayen in xal laga gaaro khilafka ka dhex jira Puntland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya….”"‘ayuu yiri Haile Mariam Desalegne R/wasaaraha Ethiopia .
Haile Mariam Desalegne waxuu rajo ka muujiyey in guul laga gaari doono dhexdhexaadinta ay doonayan inay dhex dhigaan dowladda faderlaaka iyo Puntland,waxana uu soo hadal qadey inay is arkeen hoggaamiyaasha labada dhinac ayna balsanyihiin.
….”"‘Waxan rajo ka qabna inan ku guulesano sidii looso afmeeri laha khilafka siyaasaded ee dhex yaala dowladda faderaalka iyo Puntland,waxan wada kula ney madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxweyne Faroole wana isla soo qadney sidii xal looga gaari laha kilafka labada dhinac…”"‘ayuu yiri R/wasaare Haile Mariam Desalegne.
R/wasaare Haile Mariam Desalegne ma uusan soo hadal qaadin waqti cayiman oo ay bilami dooonan wada-hadallka ay ku doonayan in ay ku dhex dhaxaadiyan DFS iyo Puntland,balse waxaa uu caddeyey inay jira isfahan ay dhainacyadaasi ka gaaren in wada-hadall u furmo.
Hadalkaan kasoo yeerey R/wasaaraha dalka Ethiopia waxaa uu kusoo aadaya iyaddo Puntland sharuudo ku xirte wada-hadall ay lagalaan dowladda faderaalka Soomaaliya,waxana ay Puntland horey u sheegtey inay wada-xaajod la furi doonan dowladda faderaalka haddii ay ka jaahil bixiso dhamanba waxaa ay ku tuhmayan.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio