Muqdisho{RBC Radio} Shirweynihii qaran ee geedi socodka Siyaasadda Soomaaliya iyo hiigsiga doorashooyin dalka ka dhaca sanadka 2016ka oo shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa gunaanadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan 5tii qodob ee shirka lagu lafa guray mudadii 6da cisho ahayd ee uu socday.
Gabagabada shirweynaha ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan SH Maxamuud,waxaana laga soo saaray talooyin iyo go’aano ku saabsan sidii loo hormarin lahaa qodobadii shirka looga dooday.
Shirweynaha qaran ayaa waxaa looga dooday 5 qodob oo kala ahaa Mawduuca 1aad horumarinta dastuurka, dib-u-eegistiisa, dhameystirkiisa iyo hirgelintiisa,Mawduuca 2aad noocyada iyo hannaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ku habboon iyo habka loo qeybsanayo awoodda iyo kheyraadka dalka, Mowduuca 3aad dib-u-habeynta dowladda, dowlad wanaagga iyo dhismaha hay’ado dowli ah oo ka soo bixi kara howsha ay dadku u hayaan,Mowduuca 4aad hanaan dooorasho iyo axsaab siyaasadeed habkii loo dhisi lahaa,mowduuca 5aad ka qeyb galka siyaasadda , la xiriirka dadweynaha. Dib-u-heshiisiinta iyo cadaaladda xilliga kala guurka ah marka la gaaro.
Warmurtiyeedka kasoo baxay shirkja ayaa waxa lagu sheegay in shirku walaac ka muujinayo tallaabooyin muhim ah oo dowladdu ka gaabisay,waxaa sidoo kale la isku raacay in halka la hiigsanayo lagu gaari kari dhaqan galinta Dastuurka Jamhuuriyadda federaaliga ah.
Shirku wuxuu isla gartay iney muhim tahay in la diyaariyo lana dhamaytiro Dastuurka ka hor inta aan la gaarin dabayaaqada Sanadka 2015ka ka hor inta aan doorashooyinka la qaban sanadka 2016ka.
Warmurtiyeedka ayaa qiray iney jiraan qodobo dhowr ah oo Dastuurka ku jira iney isku qasan yihiin una baahan yihiin in dib loo saxo,waxaana shirka laga soo saaray talooyin iyo go’aanno la xiriira sidii loo hormarin lahaa loona dhamaytiri lahaa Dastuurka.
Shirku wuxuu isla qaatay in Mabaadii’ guud oo ay ka mi yihiin In loo baahanyahay hanaan ay Soomaalidu leedahay , Soomaalidu keentay oo siyaasadeed oo u hogaansan,dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu gaaro dhameystirka barnaamijka Federaalka ah.
In loo baahanyahay hanaan ay Soomaalidu leedahay , Soomaalidu keentay oo siyaasadeed oo u hogaansan,dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu gaaro dhameystirka barnaamijka Federaalka ah.
- In la sameeyo dib-u-habeeyn Dastuur, si loo helo afti dadweyne si dastuurku u noqdo mid xalaal ah
- In la helo hanaan Federaal ah oo dadka gaarsiiya dowladnimada, kaas oo midnimada iyo xasiloonida dalka xaqiijiya.
- In la helo Doorashooyin xaq ah oo cadaalad ah oo qof waliba uu codkiisa, isagu leeyahay
- In dhexda loo xirto dowladnimo wanaag iyo dhismaha Hay’ado dowladeed oo hagaagsan
- In la sameeyo barnaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo keena isu soo dhawaansho iyo is dhex gal bulsho.
Shanta qaybood ee dastuurku looga doodayay ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ay bixiyeen gudiga kuwaasi oo ay ka midyihiin:-
- In la sameeyo dhamaan hay’adaha dhameystirka dastuurka qaabilsan muddo 60 maalmood gudaheed .
- In la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah ee dastuurka ku qoran muddo 90 maalmood gudaheed.
- In la sameeyo dhamaan hay’adaha muhiimka u ah dib-u-eegista iyo hiirgelinta dastuurka muddo 90 maalmood gudaheed.
- In dowladdu ay xaqiijiso in gudiyada la magacaabay ay noqdaan kuwa madax banaan sida uu dastuurku tilmaamay oo howshooda u madax banaan.
- In la sameeyo hanaan dadweynaha lagu wacyigeliyo, loogana qayb geliyo dib u eegista dastuurka, lana baro barnaamijka federaalk ah.
- In dowladdu ay xaqiijiso in dhamaan qaybaha bulshada , sida bulshada rayidka ah iyo maamulada ay ka qayb qaataan howsha dib u eegista dastuurka si uu u noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.
Qaybta labaad ee shirka oo ku saabsaneyd federaalka iyo wadaaga kheyraadka dalka Waxaa la isku waafaqay, In hanaanka Federaalka ah uu yahay midka dadka Soomaaliyeed u soo dhaweyn kara dowladnimada, waxaana la soo saaray qodobadaan:-
- In dowladdu ay dhisto gudiga xuduudaha iyo arrimaha Federaalka ah ee uu farayo dastuurka Soomaaliya ee ah in lagu dhiso muddo 60 maalmood gudaheed.
- In unugyada federaalka ah ay ku saleysnaadaan isku filnaansho dhaqaale, ayna noqdaan dad lagu saleeyay habka Juquraafiga ah oo ay ahaadaan dad kala duwan.
- In dowladda Soomaaliya ay hogaamiso, ayna bilawdo barnaamij dadweynaha lagu wacyigelinayo
Qodobka Sedexaad ee shirka looga dooday waxa uu ahaa, Habkii loo meel marin lahaa Hanaan siyaasadeed oo leh doorashooyin iyo axsaab siyaasi ah, waxaana la isku afgartay, In Dowladdu ay abuurto Bey’o ama deegaan u diyaar ah in ay ka dhashaan axsaab siyaasadeed oo badan oo ay ku tartamaan talada dalka, waxayna kala ahaayeen sida:-
- In dowladdu ay dhisto gudiga doorashooyinka ee madaxa banaan muddo 6-bilood gudaheeda ah
- In Xeerka ama sharciga la meelmariyo muddo hal sano ah gudaheed
- In dowladda ay hirgeliso barnaamij shacabka lagu barayo arrimaha doorashooyinka oo baahsan
- In axsaabta siyaasadeed ay ahaadaan kuwa heer qaran oo aysan ku saleysnaanin qabiil, naceyb ama afkaar xagjirnimo ah iyo IWM.
- In golaha shacabka uu meelmariyo sharuuc qeexaysa habka loo maalgelinayo ololayaasha siyaasadeed, islamarkaana loola xisaabtamayo axsaabta.
- In beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ku taageerto wixii farsamo dhaqaale ah ama siyaasadeed oo lagu dabaqayo sidii lagu meel marin lahaa hanaankaasi siyaasadeed.
- In la isla meel dhigo ama la sii diyaariyo hanaan ka duwan, haddii wax deg deg ah ay yimaadaan oo ay dhici wayso in qof waliba uu codkiisa dhiibto in lagu talagalo oo aysan noqon mid si deg deg ah ku yimaada.
Qaybta afaraad oo looga hadlayay dib-u-habeynta dowladda, waxaa la isku waafaqay In Dowladdu ay ku dadaasho hanaan cad oo dadka u muuqda waxaa ka mid ahaa:-
- In la sameeyo gudiga la dagaalanka musuqa sida ku cad dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed.
- In la sameeyo xafiiska ilaalinta hantida qaranka sida ku cad dastuurka qaranka muddo 90 maalmood gudaheed.
- In la sameeyo gudiga xaquuqul insaanka Soomaaliya ama xaquuqda Aadanaha Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheeda.
- In la sameeyo gudiga shaqaalaha dowladda sida dastuurka ku cad muddo 6-bilood gudaheed.
- In la sameeyo keydka qaranka ama keydka dukumintiyada qaranka si uu dib u keydiyo wixii war ah ama macluumaad ah wixii ku saabsan warqadaha dowladda hal sano gudaheed.
Qayta Shanaad waxa ay ka doodeen Siyaasadda in dadka la gaarsiiyo, in shacabka lala hadlo, dib-u-heshiisiin in la sameeyo, lagana shaqeeyo cadaaladda xiliga kala kuurka lagu gudo jiro, waxaana la isku waafaqay in dowladdu ay bilawdo barjaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo dalku isu keena, isla markaana dadka isdhexgalkooda ka shaqeeya, waxaana lagu taliyay
- In dowladdu ay wada hadal la furto dhamaan cidda ka soo horjeedda
- In dowladdu ay raadiso oo ay wada hadal la furto maamul goboleedyada
- In dowladdu ay sii waddo wadahadalka ay kula jirto Somaliland
- In dowladdu ay ka shaqeyso awoodsiinta odoy dhaqameedyada oo ay kobciso doorkooda nabadeynta xagga bulshada.
- In laga mid dhigo hanaanka dowliga lab iyo dhidig, oo ay u sinaadaan hanaanka shaqada ee dowliga ah, kana qayb qaataan dadka laga tirada badan yahay dhamaan hanaanka dowliga ah heer walbo uu yahay.
- In dowladdu ay dhisto gudiga runta iyo dib-u-heshiisiinta sida ku cad dastuurka 6-bilood gudaheed.
- In dowladdu ay dhisto gudiga dhulka iyo hantda muddo 6 bilood gudaheed.
RBC Radio