Jabuuti[RBC Radio]Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisey in xalka lugu dhalinkaro nabadd ka dhalata Soomaaliya ay tahay in dib looso nooleyo awoodi ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,waxana dalkaasi uu sheegey in xukuumada ka jirta Soomaaliya ay gacan kasiin doono dibu noolentii tayadda ciidan ee ay lahaayn ciidamada maletariga Soomaaliya oo xaliga an lahayn awood baddan.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Fiqi oo warbaahinta lahadley waxaa uu si cadd u sheegey in dalka Jabuuti uu balan qadey in xukuumada xiligan jirta ay kala shaqeyn doonan ammaanka dalka iyo dib udhiska ciidanka xoogga dalka.
…”"”Jabuuti waxay inoo balan qaaden inay naga caawin doonan sidii loo so nolen laha ciidamadi xooga dalka,waxana ay Jabuuti sidoo kale inoo sheegtey inay naga caawin doonan arimaha dhanka ammaanka Soomaaliya,mahuumadeenuna waa in guddaha dalka laga dhaliya xasiloooni muuqata taasna dadaal ayan ugu jirna sidii ay usura gali lahayd…”"”ayuu yiri wasiir Fiqi.
Fiqi waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey inay uga mahadcelinayaan dadaalka ay Jabuuti ugu jirto sidii loo nabadenlaha Soomaaliya,waxana uu ku celiyey inay tayen doonan ciidamada Soomaalida,si xal looga gaaro dhibaatadda ammaan ee ka jirta guddaha Soomaaliya.
….”"”Jabuuti waxan uga mahadcelinayna sida ay dadaalka ugu jirto inay gacan naga siiso nabad ka dhalata Soomaaliya,waxana ay xiligan qeyb ka qadan doonan sidii loo tayen lahaa ciidamada xoogga dalka…”"”ayuu yiri wasiirku.
Wasiir Fiqi waxaa uu inta ku adarey inay dadaal ugu jiraan sidii ay u heli lahaayn tayeenta ciidamada xoogga dalka,waxana uu soo hadal qadey inay arrintaasi ay kala hadli doonan wadamadda caalamka.
Hadalka Fiqi waxaa uu kusoo aadaya xili uu dalka Jabuuti uu ku sugan yahay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),waxana uu Fiqi sheegey in waftiga R/wasaaraha dhawaan tagi doonan dalka Yemen.
Si kastaba tan iyo bur burkii dalka waxaa wali Soomaaliya u raadinaya xal nabaddeed ciidamo shi sheeya iyada oo ay jiran in wali bur bur xooggan uu ka dhex jiro cidamadii xoogga Soomaaliya.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio