Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Soomaaliya oo ku tilmaamtay hadalkii ka soo baxay Abuu mansuur Al-amriki in uu marmarsiiyo uga raadsanayo dowladaha uu dambiyada ka soo galay

$
0
0

astaanta qarankaMuqdisho{RBC Radio} Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in horjoogayaasha ajaanibta ah ee ka dhinac dagaalamaya ururka Alshabaab ay ku badbaadi karaan in ay dalka ka baxaan, xilli mudooyinkii lasoo dhaafay ay soo ifbaxayeen khilaaf baahsan oo u dhexeeya saraakiisha ururka Al-shabaab

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa tilmaamay in horjoohayaasha ajaanibta ah ee ka tirsan ururka Al-Shabaab ay naftooda ku badbaadin karaan in ay dalka ka baxaan.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay saraakiisha ajaanibta ah in ay dalka Soomaaliya keeneen qaraxyada ismiidaaminta ah ayna dhaqankii shacabka Soomaaliyeed bedeleen.

“Waa dadka keenay fikradaha aan Soomaaliga aheyn waa kuwa dib u dhigay ummadda Soomaaliyeed,  weyna adagtahay in la’aamino nin ummadda Soomaaliyeed dabka saartay,  magac diin iyo islaanimana sheeganaya oo ka yimid aduunyada meesha ugu fog una yimid dalkeena in uu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Injineer Yariisoow.

C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow  ayaa hadalkii Abu mansuur Alamriiki ku tilmaamay in uu yahay mid uu marmarsiimo uga raadsanayo shacabka iyo dowladaha uu dambiyada ka soo galay waxa uuna sheegay in uusan saamayn yeelan doonin hadalka Abuu mansuur Al-amriiki.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles