Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh maxamuud oo maanta la filayo in uu soo xiro shirka ka tashiga aayaha dalka ee ka socday magaalada Muqdisho

$
0
0

xasaan YyMuqdisho{RBC Radio} Shirweynaha Qaran ee geedi socodka siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka  2016ka ayaa la filayaa  in maanta lagu soo gabgabeeyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shirkan qaran oo Afartii maalmood ee aynu ka soo gudubnay  ka socday  magaalada Muqdisho ayaa waxa looga dooday qodobo badan oo muhiim u ah siyaasada dalka iyo  sidii sanadka 2016ka  doorashooyin xor ah loo gaarsiin lahaa dalka, waxaana maanta lagu wadaa in uu madaxweynaha Soomaaliya soo afmeero kulanka.

Mudadii uu shirku socday ayaa  looga dooday qodobo muhiim ah ayna ka mid ahaayeen,in Dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka,iyo in Dib loo habeeyo hey’adaha dowlada Soomaaliya

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay in ladhiso guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka dalka, baahinta siyaasada dowlada iyo sidii ay uga qayb geli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo hormarin lahaa Hay’adaha Garsoorka dalka.

Ergada ayaa aad ugu dheeraatay ka doodista Dastuurka iyo qaybsiga Khayraadka dalka Soomaaliya waxana lagu wadaa in uu soo xiro kulanka maanta madaxweynaha Soomaaliya.

Ergada shirka ka qeybgaleysa ayaa u badan aqoonyahano Soomaaliyeed oo laga kala keenay gudaha iyo dibada dalka.

Qubarro Soomaaliyeed ayaa saadaaalin ka bixisay shirkan waxayna sheegeen in ay dowladdu uga gonleedahay sidii ay u hanan leheed gabi ahaamba dalka iyo sidii ay taageero uga heli lahayd Shacabka Soomaaliyeed ayna maamulada ka soo horjeedo ugu qancin lahayd sidii ay dowlada u taageeri lahaayeen.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles