Beledweyne{RBC Radio} Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo shalay gaaray Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiran ayaa kormeer ku sameeyey Xarumaha Maamulka gobolka iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Beleweyne, kaasi oo burbur ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Saraakiishan ka socday Qaramada Midoobe ayaa booqday xaruna maamulka gabolka Hiiraan,saldhiga ciidamada Booliska, iyo xarunta xabsiga dhexe ee gobolka, waxa ayna guri guri u galeen qolalka xabsigu ka kooban yahay, waxayna balan qaadeen in ay dayactir ku samaynayaan xabsiga dhexe ee degmada iyo saldhiga ciidamad Booliska ayna wax ka qabanayaan xaalada caafimaad xumo ee maxaabiista ku haysato gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne.
Saraakiishan ka socotay UN.ka ayaa waxa ay howshoodu tahay ilaalinta nabadgelyada , dhaqancelinta iyo xabsiyada, waxayna shaaca ka qaadeen in ay si dhaqso ah wax uga qabanayaan xaalada caafimaad xumo ee maxaabiista ayna dayactir ku samaynayaan saldhiga ciidamada Booliska iyo xabsiga dhexe ee magaalda Beledweyne
Taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle oo warbaahinta hadlay siiyay ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan imaanshaha saraakiishan ka socda Qaramada Midoobe ayna kala qayqaadan doonaan masuuliyiinta iyo shacabka gobolka sidii loo horrmarin lahaa gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho