Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan hadal uu ka jeediyey kulan uu magaalada Marka kula qaatay odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ku sheegay in tabashada qabiilada Soomaalida aysan dhamaaneyn xitaa haddii qabiil kasta la siiyo inta xilal ee uu sheegto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay jiraan beelo badan oo weli wax ka sheeganaya xilalka dawlada iyo habka loo qeybsaday, isagoo xusay in xitaa beeshiisa ay cabashadaas qabto.
“Anigoo madaxweynihii jamhuuriyada ayaa haddana beesheyda waxay qabaan cabasho,.. wasiir ma lihin ayey leeyihiin, sarkaal hebel waa nalaga qaaday,.. agaasime ma qabno.” ayuu yiri madaxweynaha.
“Iskaa daa beesha guud ee xitaa beelaha Soomaalida, jufo kasta gudeheeda ayaa wax kala tabanaya oo kuwaa loo badiyey, kuwana waa loo yareeyay ayey leeyihiin.” ayuu sii raaciyey
Beel qanceysa ma jirto
Madaxweynaha oo u khudbeynayey odayaal, haween, dhalinyaro iyo masuuliyiinta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inuusan jirin qabiil hal nin ah, ama leh hal ruux oo metela taasina ay ka mid tahay waxyaabaha caqabada ku ah horumarka dawladnimada Soomaalida.
“Qabiil hal ah ma jiro. Haduu jiri lahaa hal Hawiye, Hal Daarood, Hal Dir, Hal Digil iyo Mirifle iyo Hal Beesha Shanaad wax dhibaato ah ma jiri lahayn, laakiin qabiil hal ah ma jiro.” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay in maalin kasta xafiiskiisa ay ugu yimaadeen beelo dhexdooda kala cabanaya iskuna heysta xilalka uga soo aaday dawlada, hase yeeshee doodaasi ma ahan mid dhameeneysa haddii beeluhu aysan meel iska dhigin iska qoqobka dhexdooda ah.
Maamul magacaabista gobollada
Dhinaca kale, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya wuxuu ka hadlay sababaha keenaya in gobollada ay dawladu u magacawdo maamulo ku-meelgaar ah halka ay dadka deegaanada ka sameysan lahaayeen maamulada.
“Haddii tusaale ahaan dadka reer Shabeelaha Hoose odayaashooda, waxgaradkooda isu tagaan oo dhahaan waa kuwan dadkii na meteli lahaa, awladuna way ku taageereysaa. Laakiin markay arrinta khilaaf hor leh iyo dagaal ay dhaliso dawladu waxay ku qasban tahay inay farageliso oo maamul u soo magacawdo.” ayuu yiri madaxweynaha.
“Haddaad tashan weydo waa laguu talinayaa.” ayuu sii raaciyey isagoo odayaasha reer Shabeelaha Hoose la hadlayey.
Wuxuu sheegay in meelo badan maamuladii loo magacaabay ay ahaayeen ku-meelgaar haddana waqtigoodu dhamaaday, hase yeeshee laga rabo gobol kasta in beelaha dega ay midoobaan oo iska soo dhex xulaan dadkii iyaga meteli lahaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho