Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyey qaraxyadii xalay lagu weeraray meelo badan oo Muqdisho ka tirsan

Image may be NSFW.
Clik here to view.
astaanta booliska 2
Muqdisho{RBC Radio} Taliska ciidama Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay qaraxyo iyo rasaas daba joogtay oo xalay laga maqlay degmooyin ka qaar ee magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Yuusuf Cumar Madaale oo warbaahinta dowladda hadal siiyay ayaa tilmaamay in qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ka danbeeyeen ururka Al-shabaab.

Gen.Maxamed Yuusuf Cumar ayaa xusay in ay ciidanka Dowladda Soomaaliya ka sameeyeen howlgalo degmooyinka qaar ayna ku soo qabqabteen Hub,Gaadiid, Suumanka qarxa iyo dad ay sheegeen iney fulin lahaayeen weeraro kale oo magaalada ka dhaca kuwaas oo gacanta ay kusoo dhigeen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Cumar Madaale ayaa tilmaamay qaraxyadii xalay habeenimadii ka dhacay qaybo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir aysan wax qasaaro ah ka soo gaarin  shacabka  iyo ciidamada  Soomaaliyeed.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qof ka mid ah raggii tuurayay Banbooyinka uu ku geeryooday rasaas ay huwiyeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee qaybo ka mid ah isgooysyada magaalada Muqdisho ilaalada ka hayey.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles