Muqdisho{RBC Radio} Shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada dalka Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka ayaa maalintii afaraad galay waxaana maanta looga doodayay dib u habaynta Hay’adaha qaranak iyo hagaajinta maamulada dalka ka jira.
Ergada maanta shirka ka qayb galaysa ayaa waxa ay ka doodayaan qodobo kala duwan waxaana talooyin ka soo jeediyay dad badan oo shirka ka qayb galaya, ruux walba oo hadal ka jeediyey madasha shirka ayaa cabirayo ra’yigiisa iyo sida ay ula muuqato in loo dhiso Hay’adaha Qaranka iyo maamulada gobolada dalka.
Caasho Geelle oo ka mid ahaan jirtay golaha wasiirada Maamulka Puntland oo madasha ka hadashay ayaa isweydiisay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in sanadka 2016ka loo dareero doorashooyin xor ah,waxayna sheegtay in hadii ay madaxda dowladda usii gogol xaaraan amniga dalkane la sugo ay suurta gal tahay iney dalka ka qabsoomaan doorashooyin.
Dadka ka hadlay doodda ku saabsan qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo hay’adaha dowliga ah ayaa waxaa kamid ah Aqoonyahanka Cali Ciise Cabdi oo mudo dheer la shaqaynayey hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa waxa uu cabiray qaabka ay ula muuqato in loo dhisi karo hay’adaha qaranka, wuxuuna sheegay iney lagama maarmaan tahay in la dhiso hay’adaha ay kaidka yihiin Kaabayaasha dhaqaalaha dalka,hay’adaha garsoorka iyo Hantidhowrka qaranka Soomaaliyee.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa dankiisa ka hadlay arin uu sheegay ineysan sii fogeynayso nabad ay gaaraan ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna si kulul u dhaleeceeyey dhaqo aan wanaagsaneen oo uu sheegay iney dalka ka wadaan Qurbajoogta dalka kusoo laabanaysa,wuxuuna ku booriyey ineysan wanaag iyo ilbaxnimo ahayn in Dumarku ay isqaawiyaan,SH Bashiir ayaa shacabka ugu baaqay iney Alle u Towbad keenaan si dhibaatada looga boxo.
Shirka oo maanta galay maalintii Afaraad ayaa waxaa lagu wadaa in gunaanadkiisa ay kasoo bixi doonaan qodobo ku saabsan waxyaabihii shirka looga dooday mudadii uu socday.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho