Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay dhismaha Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir ee shalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wuxuuna ku tilmaamay ineysan sharciga waafaqsaneen.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Xasan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu ku cadeeyay in ay sharci darro tahay rugta ganacsi ee shalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegay in aysan aqoonsaneen wasaaradiisu rugta Muqdisho looga dhawaaqay shalay waxa uuna xusay in ay wasaaraddu dhowaan qaban doonto shir lagu dhisayo Rugta ganacsiga G/ banaadir,wasiirka ayaa tilmaamay iney wadaan qabanqaabada shirka la doonayo in lagu dhiso rug ganacsi oo uu yeesho gobolka Banaadir
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Axmed Xasan ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday rugta ganacsiga Soomaaliya ee hore u jirtay,wuxuuna sheegay in uu jiro baaritaan lagu hayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee KMG ahayd.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay go’aan ka soo saari dooto sax ahaanta rugtaas,wuxuuna shaaca ka qaaday ineysan jiri doonin mudada baaritaanku socdo cid dalka iyo dibadba la macaamili karta rugtaasi ganacsiga ilaa ay dowladdu fasaxdo.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho