Marka (RBC) Ururka Al Shabaab ayaa goordhow sheegtay inay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Afhayeenka ururka Al Shabaab u hadlay Cabdicasiis abu Muscab oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose maanta barqadii.
Afhayeenka wuxuu sheegtay in khasaare ay gaarsiiyeen baabuurta wafdiga madaxweynaha ee saaka ka ambsbaxday magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale afhayeenka madaxweynaha Eng C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa beeniyey weerarka Al Shabaab, wuxuuna sheegay in baabuurta madaxweynaha la socotay ay nabadgelyo ku tageen magaalada Marka.
Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka aroornimadii ka ambabaxay xarunta Villa Soomaaliya ayaa hadda ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Faahfaahinta goordhow naga filo.