Addis Ababa[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed Dr.Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maalinkii labad kusugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa kadib markii isaga iyo waftigii la socdey ay shaley halkaa gaaren.
Socdaalka madaxweynaha oo ay ku waheliyan xubno katirsan gollaha wasiiradda iyo masuuliyin ka mid ah xarunta madaxtooyadda,ayaa waxaa uu socdaal koodu ka danbeeyey casuumad ay u fidiyeen madaxda dalkaasi Ethiopia .
Dr.Faroole madaxweynada Puntland iyo xubno katirsan waftigiisa ayaa xaley ku lan ballaaran la qaatey wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia,kulan kaaso hor-dhac uu ah kulamo lugu waddo in madaxweynuhu la qaato madaxda dalkaasi Ethiopia intuu ku sugan yahay Addis Ababa.
Daah furkii kulanka dhex marey madaxweyne Faroole iyo wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Tedros Adhanom ayaa ahaa casho sharaf loo sameeyey waftiga madaxweyne Faroole,waxana intii casha sharafta lugu gudda jira laga wadda hadley arrimo dhoor ah oo u badna xaaladda ka jirta Soomaaliya iyo sidii loo is anba qaadi laha xiriika Ethiopia iyo Puntland.
Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopi Tedros Adhanom ayaa Puntland ku amaaney doorka muqda ee ay marwalba ka ciyaareyso samata-bixinta shacabka Soomaaliyed oo 22-sanno kusoo jirey dhib iyo dagaallo an kala jogsi lahayn.
Madaxweyne Faroole oo isna hadal ka jeediyey munaasabada ayaa ugu hareen uga mahadceliyey Ethiopi casumaada ay u fidisey waftigiisa,waxana uu dhankiisa madaxweynuhu ku booriyey xukuumada Ethiopi sida ay ugu dadaaleyso xalinta khilaafadyadda ka dhex dhasha Soomaalida,waxana uu si gaar ah ugu amaaney guushi laga gaarey khilaafkii mudaddo dhex yaaley dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamul horey loo oranjirey Jubbaland balse xiligaan la yirahdo maamulka KMG-ah ee Jubba.
Sidoo kale waxaa lugu wadda in maantey oo Talaado-ah uu kulan dhex maro madaxweyne Faroole iyo R/wasaaraha Ethiopi Hailemariam Desalegn,waxan la sheegey in labada dhinac ay iyana kawada hadli doonan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Ethiopi.
Si kasta oo ay noqotaba wali lama shaacin inta uu ku egyahay socdalka uu madaxweyne Faroole ku joogo dalka Ethiopi gaar ahana magaaladda caasumada uu ah ee Addis Ababa.
_______________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio