Muqdisho{RBC Radio} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo afmeeray colaadihii ku salaysnaa hab beeleedka ee ka jiray gobolka Shabeelaha hoose,agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray colaadihii ka taagnaa gobolka Shabeelaha hoose.
Cali Abtidoon Xalane agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo afmeeray colaadihii ka jiray gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna tilmaamay in shirweyne lagu soo gunaanaday shirar ay dowladdu u qabatay beelaha dagaalamay uu shalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolkaas.
Agaasimaha ayaa sheegay in shirkaas ay kasoo qaybgaleen beelihii dagaalamay iyo beelaha kale ee gobolka daga,wuxuuna tilmaamay iney heshiis buuxa gaareen uuna halkaa ku dhammaaday khilaafkii ka dhexjiray Labada beelood Colaadiine lagu bedelay nabad.
Wuxuuna intaa raaciyey in labada beelood ay ku heshiiyeen in dhammaan la qaado Isbaarooyinka yaalla gobolkaaas,wuxuuna xusay in beel walba ay aqbashay iney qaado jidgooyada u taalla Malaeyshiyaadka kasoo jeeda ciddii diida ayuu sheegay in la isku waafaqay in goobta lagu toogto.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Abtidoon ayaa tilmaamay in dowladdu ay dusha kala soconeyso dhaqan galinta heshiiska ay wada gaareen Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada gobolka Shabeelaha hoose.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho