Muqdisho (RBC) Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen Shabakadda Raxanreeb dawlada Soomaaliya ayaa bilawday wadatashi ku aadan golaha fatwada dalka oo la rabo in dhowaan looga dhawaaqo Soomaaliya.
Golahan oo noqon doona golaha guud ee culimada u fatwoota dalka lagalana tashado arrimaha diinta ayay u badan tahay in talooyinka ku aadan dhismihiisa lagu soo beego shirweyne qaran oo dawladu rabto inay qabato dhowaan loogana hadli doono Xagjirnimada iyo dhibaatada ay u geysatay Soomaaliya.
Mid ka mid ah ilo wareedyada aanu ka helnay xogtan ayaa sheegaya in dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay u tageen xubno culimaa’udiin ah oo ka kala tirsan ururka Al Islaax labadiisa garab ee kala ah “Damu Jadiid iyo Damu Qadiim” dhowaana dib u midoobay (sida ay sheegeen), waxayna culimadan madaxweynaha kala hadleen dhismaha guddi culimo oo ah guddiga fatwada oo leh guddoomiye, ku xigeeno iyo xogheyn guud.
Dhismaha golahan aya dad badani u arkeen mid muhiim ah hase yeeshee waxyaabaha ay culimada qaarkood ka walaacsan yihiin ayaa ah in haddiiba ay dhacdo in dawladu ku dhawaaqdo dhismaha gole culimo oo u fatwooda arrimaha diinta ay noqdaan kuwo ay isku koobto Xarakada Al Islaax oo ka mid ah ururada diineed ee ka jira Soomaaliya, aadna loogu tuhmo inay wasiirada xukuumadda iyo madaxda dawlada ay ka tirsan yihiin.
Mid ka mid ah saraakiisha Ahlusuna Wal Jamaaca oo Raxanreeb la hadlay, isla markaana sheegay inuusan dooneyn inuu si hordhac ah uga hadlo qorshahan ayaa tilmaamay in haddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixo dhismaha golahan ayna ka soo dhex muuqan waayaan dhammaan qeybaha ururada diineed ee Soomaaliya sida kooxaha raacsan Mabda’ Salafiyada iyo Dariiqooyinka Suufiyada, ay adkaan doonto sida loo dhageysan karo golaha iyo fatwooyinka diineed ee uu soo saaro.
Dib u midowga Al Islaax
Toddobaadkii hore Xarakada Al Islaax oo ku dhowaad toban sano labo garab u kala go’neyd ayaa sjeegtay inay soo celiyeen midnimadoodii. Damu Jadiid iyo Damu Qadiim oo ku kala aragti duwanaa waxyaabo badan oo dalka ka dhacay, ayna ka mid ahaayeen dagaalkii lala galay dawladihii ku-meelgaarka ahaa iyo ciidamada ajnabiga ah ee dalka jooga ayaa hadda ku midoobay hal talis.
Dad badan waxay qabaan dib u midowga Damu Jadiid iyo Damu Qadiim ay gadaal ka riixeyso labo arrimood oo waaweyn; Waa tan koowaade in Xarakadu ay hanatay xilalka waaweyn ee dawlada, baarlamaankuna ay ku leeyihiin tiro fiican oo xildhibaano ah, ayna ceeb ku tahay inay labo qeybood u kala jaban yihiin.
Arrinta labaad ayaa ah dhismaha golaha fatwada Soomaaliya ee ay dawladu sameyn rabto inay saameyn ku yeelan karto kala qeybsanaanta Xarakada ayna muhiim tahay in ka hor ku dhawaaqista golahaasi Xarakada Al Islaax ay yeelato hal af iyo hal xafiis oo loogu soo hagaago. [AKHRI DIB U MIDOWGA AL ISLAAX]
Caadiyan Al Islaax ma ahan ururo mintid ah ama lagu yaqaano afkaarta adag sida Al Itixaad iyo kooxda Al Shabaab, balse dadka aadka u yaqaana dhaqdhaqaaqyada ururada Islaamiga ah ayaa qaba in gole fatwo oo xilligan Soomaaliya laga sameeyo ay dhici karto inay iska horkeento kooxaha magacyada diineed ku shaqeysta noocay doonaanba ha ahaatee.
Balse dawlada Soomaaliya waxay dooneysaa in la helo xafiis ama goob ay ku dhan yihiin culimada magaca waaweyn ku dhex leh Soomaalida, si ay dadka uga dhaadhiciyaan in afkaaraha diineed ee ay ku dagaalamaan Al Shabaab iyo Al Qaacida aysan sal iyo raad ku lahayn Islaamka toosan, sidaasi waxaa dhowaan sheegay wasiirka arrimaha gudaha C/kaarin Xuseen Guuleed.
Laakiin hadafkaasi laftiisa ayaa lumi kara haddii aysan xukuumaddu marka hore ka fiirsanin sida ay iyo wadiiqada ay u mareyso dhismaha golaha fatwada dalka, maadaama dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Soomaaliya ay fara badan yihiin ayna jiraan mowqifyo fara badan oo lagu kala tagsan yahay (gaar ahaan aragtiyada Salafiyiinta iyo Dariiqooyinka Suufiyada) lagana yaabo in fasiraado badan oo arrimahaasi ku xiriirsan ay salka la galaan fatwooyinka iy iyadoo kooxaha Islaamiga qaarkood u arki karaan sadbursi koox gaar ahaaneed dhismaha golahan.
W/Q: Cabdalle Muumin
Email: Cabdallemuumin2@gmail.com
Muqdisho