Muqdisho{RBC Radio} Doodda Shirweynaha qaran ee ka tashiga aayaha geedi socodka Soomaaliya iyo Hiigsiga doorashooyin dalka ka dhaca sanadka 2016ka oo shalay uu xariga ka jaray madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u bilaabanaysa.
Wararka aynu heleyno ayaa tilmaamaya in maanta la dhisayo 5 gudi oo qaban qaabinaya habsami socodka shirka iyo 5ta qodob ee lagu jeexjeexayo mudada uu socdo,waxaana la tilmaamay in ergada shirka ka qaybgalaysa iney iska dhexdooranayaan gudiyada shirka wadaya.
Gudiga la dhisayo ayaa soo diyaarinaya Ajandayaasha iyo ujeedooyinka shirka,waxaana uu qorshuhu yahay in 5ta cisho ee shirku socdo in looga doodo dib u eegista dasruurka dalka,hirgalinta nidaamka federaalka,dhisida maamul goboleedyada dalka iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.
Waxaana lagu wadaa in gabagabada shirka ay go’aano kasoo saari doonaan ka qaybgalayaasha shirka,shirkan ayaa waxaa qaadacay maamulka Puntland oo sheegay inaan lagu casuumin,ciidamada amniga dowladda ayaa si weyn u adkaynaya amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan goobta uu shirku ka socdo.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho