Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo digniin u dirtay masuuliyiinta dowladda ee wata ilaalada sharci darrada ah

$
0
0

ciidan gaadiid dagaalMuqdisho{RBC Radio} Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee wata ilaalada sharci darrada ah ,afhayeenka maxkamadda ciidanka Col. C/llaahi Maxamed Muuse Kayse ayaa digniin adag u diray masuuliyiinta dowladda,wuxuuna sheegay iney jiraan masuuliyiin haysta ilaalo iyo hub  sharci darro ah.

Col. Kayse ayaa daboolka ka qaaday in lagula xusaabtamayo masuulkii lagu qabto isaga oo wata ilaalo aan diiwaan gashanayn isla markaane ka tirsaneen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna hadalkaasi ka sheegay xukun dil ah oo ay maxkamaddu ku riday 2 ruux mid kamid ah uusan kamid ahayn ciidanka dowladda kuwaas oo lagu helay dil ay u geysteen askari ka tirsanaa ciidanka qalabka sida.

Ragga dilka lagu xukumay ayaa ilaalo u ahaa masuul ka tirsan dowladda sida uu sheegay,wuxuuna ku goodiyey iney la xisaabtamayaan masuulkii ay ku helaan in ilaaladiisu ay yihiin sharci darro aan ka tirsaneen ciidanka dowladda,wuxuuna hoostka ka xariiqay in masuul walba uu xaq u leeyahay ciidan ilaalo u ah balse,wuxuu meesha ka saaray in hub iyo ciidan aan sharci ahayn in masuuliyiinta ay ilaalo ka dhigtaan.

Kayse  ayaa ku nuuxnuuxsaday in masuuliyiinta dowladdu ay qaadi doonaan waxa ay geystaan ilaaladooda,wuxuuna ku booriyey iney soo diiwaan galiyaan ilaaladooda,afhayeenka maxkamadda ciidanka ayaa tilmaamay iney arimahaasi wax u dhimayaan amniga magaalada.

Masuuliyiinta dowladda ayaa intooda badan ilaalo ka dhigto Maleyshiyaad ay isku hayb yihiin taasoo la tilmaamo iney qayb ka qaadanayso amni xumada magaalada Muqdisho ka jirto iyo xakamayn la’aanta hubka sharci darrada ah.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles