Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Maamulka degmada Hobyo oo beeniyey wararka sheegaya in degmadaas ay qabsadeen ciidamo Maraykan ah

Hobyo{RBC Radio} Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa beeniyey wararka sheegaya in Ciidamo Maraykan ah ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Hobyo,gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa meesha ka saaray warar la isla dhexmarayo ee tilmaamay in ciidan Maraykan ah ay magaaladaasu qabsadeen.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidamo Ameerikan ah ya gacanta ku dhigeen maamulka magaaladaasi,wuxuuna qiray in xeebaha Hobyo ay ku sugan yihiin Maraakiib dagaal kuwaas oo xiliyada qaar xeebaha usoo dhawaada ama Diyaarado dagaal berriga usoo dira taasoo baqdin ku beerta dadka rayidka ah.

Gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa wax laga weydiiyey Sababaha hawada looga saaray Isgaarsiintii degmadaas,wuxuuna tilmaamay iney dareensan yihiin iney shacabka walaac galisay maqnaanshaha Isgaarsiinta,isagoona xusay iney Isgaarsiintu hawada uga maqan tahay Cillad ku timid awgeed.

Maxamuud Maxamed Cawaale gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa tilmaamay in ilaa 8 Markab oo kuwa dagaalka ah ay ku sugan yihiin xeebahga kulaala degmada Hobyo ee gobolka Mudug,wuxuuna tibaaxay iney leeyihiin wada shaqayn buuxda isla markaane ay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa Burcad badeeda ka qawleysta xeebaha Soomaaliya.

Maalmahan danbe ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in ciidamada maraykanku ay isku diyaarinayaan hawlgal ay ku doonayaan iney ku soo furtaan Markabka lagu magacaabo NIHAM3 oo lagu hayo xeebaha u dhexeeya Hobyo iyo Xarardheere,shacabka Hobyo ayaa ku waramay iney arkeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya kuwaas oo dul heehaabayey magaalada,waxaana bulshada walaac kusii beeray markii  gabi ahaanba hawada laga saaray  Isgaarsiintii magaalada.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Trending Articles