Jiddah{RBC Radio} Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay heshiiska dowladdu la gashay Bangiga Islaamka,afhayeenka xukuumadda federaalka Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlayey ayaa tafaasiil ka bixiyey heshiiska ay dalka Sucuudiga ku kala saxiixdeen waftiga dowladda ee uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo Bangiga Islaamka.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay in heshiiskani uu qayb weyn ka qaadanayo isku xirka Soomaalida iyo dunida Muslimka,wuxuuna tilmaamay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee heshiiskan ku xusan ay yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada bulshada iyo dib u dhiska dalka.
Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in Bangiga loo xilsaaray fududeynta iyo isku dubbaridka deeqaha dhaqaale ee dunida Muslimku ay ugu yaboohaan dowladda Soomaaliya,wuxuuna xusay in tallaabada ugu horeysa ee heshiisku ay tahay in Bangigu uu ku deeqo 35 Milyan oo doolar.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay in lacagtani ay tahay mid deg deg ah oo la doonayo in waxlooga qabto arimaha bulshada sida Caafimaadka,Waxbarashada iyo sidii gurmad loola gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan gobolada dalka ee ay Abaaruhu ku dhufteen sanadihii u danbeeyey.
R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa shalay heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixday Bangiga Islaamka,heshiiskan ayaa qayb ka ah heshiisyo ay dowladdu la gashay dowlado iyo hay’do caalami ah kuwaas oo lagu soo nooleynayo xiriirkii Soomaaliya kala dhexeeyey Caalamka kaasoo meesha ka baxay markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho