Boosaaso[RBC Radio] Wasiir Dowlaha Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Cabdishakuur Mire Aadam ayaa sheegay in Xukuumadda ee wakhtigaan ay Hoggaanka Puntland dib u qaban doonto,Waraysi uu siiyey Raxanreeb ayuu kaga Waramay arrimo badan.
Mudane Cabdishakuur Mire Aadam oo Waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta Raxanreeb ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin:
- Waxqabadka Xukuumadda Puntland ee Shantii sano ay Jirtay.
- Doorashadda soo socota ee 8-da Janaury 2014.
- Shakhsiga u Sharaxan Xukuumadooda Doorashada soo socota.
- Xildhibaanadda Cusub ee Baarlamaanka iyo arrimo kale.
Xukuumadda Iyo Shantii sano!!
Wasiir Dowlaha Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Cabdishakuur Mire Aadam ayaa ugu horeyn ka hadlay Waxqabadka shanta sano ee Xukuumadda uu Hoggaanka u hayo Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud .
Mudane Cabdishakuur ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ee wakhtigaan ay qabatay wax badan isla markaana waxa ay qabatay uu yahay mid muuqda,waana mid dadka gudaha jooga iyo Inta Caqliga Saaxiibka u ah qirayaan Waxqabadkaas.
Wuxuu tilmaamay in Wasiir Dowluhu in Dowladu ay wax badan ka qabatay dhanka arrimo badan oo ay kamid yihiin Caafimaadka,Waxbarashada,Shaqo la’aanta iyo amaanka isla markaana qorshuhu ugu jiro mid intaas ka badan.
Yaa Idin Sharaxan?
Mar ay Raxanreeb weydiisay cida uga mid noqoneysa Musharaxiinta Doorashada soo socota ee dhici doonta 8-da Janaury 2014 ayuu ku sheegay in Musharaxa ay wataan uu yahay Madaxweynaha Puntland ee iminka Cabdirixmaan Faroole.
..…””Cid walba Madax bey leedahay,waadna garaneysaa Madaxdayada,waxaa noo sharaxan Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii shanta sano ka dhabeeyey wixii ay dadkan higsanayeen….””ayuu yiri.
Doorashadda 8-da Janaury 2014
Cabdishakuur Mire Aadam ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan Doorashadda soo socota ee 8-da Janaury 2014,wuxuuna intaas ku daray in boqolkiiba Sagaashan ay ku kalsoonyihiin in Hoggaanka Puntland dib ugu soo laaban doonaan.
Wuxuu tibaaxay in Hannaankii Dumqraadiyada ee ay wadeen cida diidaneyn ay ahaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka ah balse cida kalsooni darradu haysto ay yihiin Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Xukuumadooda.
….””Run ahaantii anagu,waxaan ku naalooneynay oo dalka iyo dadkaba la rabnay iney dhacdo Doorasho qof kasta u uxor u yahay dadkuna ay doortaan cidey iyaga Hoggaamin lahayd taas waad aragtay oo waa la Joojiyey ….””ayuu yiri Cabdishakuur.
Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub
Wasiir Dowlaha Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Cabdishakuur Mire Aadam oo ka Jawaabayey Su’aal ay Raxanreeb weydiiday taasoo ahayd “Door maku leedihiin Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee soo socda?”” ayuu sheegay ineysan door ku lahayn Xubnaha la soo xulaayo balse ay xaq u leeyihiin in ay tartamaan.
…””66-ka dadka diidanaa in Doorasho la qabto ayaa markii hore ku haminayey marka magaran karo Cabsida gashay,waxaana u malaynayaa iney tahay Kalsooni daro,dadku waa wada qabaa’il ,qabaa’ilka ayaa soo xulaya Xubnaha Baarlamaanka nin kasta oo Siyaasi ahna wey u siman yihiin anaguna Xubnaha soo xuli doona shaqo kuma lihin laakiin xaq waxaan u leenahay inaan tartan…””ayuu yiri.
Kursiga Iyo Xukuumadiina!!
Mar uu ka hadlaayey dhaliil Xukuumadda Madaxweyne Faroole usoo Jeediyaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo ahayd in Kursiga isku dhejin doonaan ayuu kaga Jawaabay in Kursiga aysan dooneyn iney isku dhejiyaan.
…”” Waxaan ku sheegayaa anagu inaanan Kursiga Isku dhajineyn ee aanu soo bandhignay in la tartamo,tartanka hadii aan kusoo baxno sida aan ku Kalsoonahay boqolkiiba Sagaashan inaan dib usoo noqon doono ayaan qabaa,…’’’ayuu yiri.
Cabdishakuur ayaa sheegay in ay la iman doonaan Xirfad Siyaasadeed oo ay ku Hoggaamin doonaan dalka iyo dadkaba mar hadii dib loo soo doorto.
…””Haddii aan ku guuleysano,waanu si wadi doonaa Hoggaanka wanaagsan aan iminka dalka ku Hoggaamineyno taasoo ah mid dalka gudihiisa iyo dibadiisa laga qiray,mana dooneyno inaan Kursiga Isku dhejino ee waxaanu la Imaaneynaa Xirfad Siyaasadeed ee aanu dalka iyo dadka ku Hoggaamineyno……”” ayuu yiri mar kale.
Mucaaradka Iyo Dowladda
Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Xukuumadooda ayuu ku tilmaamay dad aan miisaan ku lahayn Siyaasada Puntland,wuxuuna tallo ugu soo Jeediyey iney tartamaan kuna kalsoonaadaan Xirfadooda.
….””Dadka na dhaliila,waxaan u sheegnay in la tartamo qof kastana uu ku kalsoonaado galaangalkiisa Siyaasadeed,Xirfadiisa iyo sida uu u soo Jiidan karo,Dadka naga soo horjeeda maahan dad miisaan ku leh Siyaasada Puntland….””ayuu yiri
Gen. Cabdisamad Iyo Taleex!!
Wasiir Dowlaha Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Cabdishakuur Mire Aadam ayaa ku tilmaamay Booqashada Taleex uu ku Joogo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire
…””Wuxuu meesha u tagay in la dhameeyo xurguf iyo Isfaham-waa yaryar deegaanka uu asal ahaan kasoo jeedo mana ahan dagaal lagu qaaday Somaliland Somaliland iyadaa haysta dhul,iyada ayaa sharci-daro ku joogta mana ahan Ujeedadayadu Puntland inaan dagaal gelino si aan Xukunka u sii dheereysano….””ayuu yiri.
Si kastaba Cabdishakuur Mire Aadam ayaa kamid ah Siyaasiyiinta ugu firfircoon deegaanada Puntland,waxaana uu qoray Buugaag badan oo akhriskooda aad looga xiiseeyo Geyiga Soomaalida degto oo dhan.
Waraysi-qaade: Cismaan Turaabi
_________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com