Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG:Madaxweynaha Puntland Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo kulan al-baabadda u xiranyahay uga socdo Addis Ababa

$
0
0
Casho sharafti masuuliyinta caawa kulmey

Casho sharafti masuuliyinta caawa kulmey

Addis Ababa[RBC Radio]War goor dhawed naga soo garey xubno ku waheliya safarka uu madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ku tagey magaaladda Addis Ababa ayaa inoo sheegey in goor dhawed kadib kulan casho sharaf ah oo loo fidiyey waftiga dowladda Puntland ee Addis gaarey uu kulan albaabadda u xiran yahay u bilowdey madaxweyne Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.

Kulankaan waxaa madaxweyne Faroole ku waheliya wasiirka caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulahi iyo xubo kale oo waftiga ka tirsan,illaa haddana lama shaacin arrimaha ay kawada hadlayaan labada masuul iyo xubnaha shirkooda ku waheliya.

Waxaa la saadalinaya in arrinta ugu weyn ee madaxweyne Faroole loogu casumay Addis Ababa ay tahay in la xaliyo khilafka dhex yaala dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyed.

Sidoo kale waxaa la sheegay in laga wada-hadalli doono xiriirka Puntland iyo Ethiopia,waxaa kalo la isla soo qaadi doona sida ay inoo xaqiijiyen xubno katirsan waftiga madaxweyne Faroole arrimo ugaar ah Puntland.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa horey ugu guulestey inuu xaliyo khilaf u dhaxeeyey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulkii horey loo oran jirey Jubbaland ee xiligan loo bixiyey Jubba,waxana shir muddo toddobad ah Addis Ababa ka socdey ay labada dhinac ku gaaren heshiis ay kuwada qanceen.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom oo ku guulestey xalinta khilfki DFS iyo Jubba

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom oo ku guulestey xalinta khilfki DFS iyo Jubba

Dr.Tedros Adhanom ayaa la sheegey inuu isku dayayo inuu xaliyo arrinta dhex taala dowladda Puntland iyo DFS,waxana xiligaan khilafka labadda dhinac uu maraya heerkiisi ugu sareyey kadib markii Puntland si cadd u sheegtey Puntland inay si KMG-ah u hakisey xiriirki ay la laheed xukuumada u hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxaana jirta in maantey Puntland ay ka soo hor-jeesaten shir ka furmey Muqdisho oo ay Puntland sheegtey inaysan aqbali dooni wixii ka soo baxa.

Si kasto oo ay noqotaba lama ogan karo halka uu ku danbeeyo xiriirka sii xumanaya ee DFS iyo Puntland,xiligaan uu socdo isku dey lugu doonayo in lugu xaliyo.

Wixii war ah ee kasoo baxa kulanka madaxweyne Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom,kala soco Raxanreeb.com

________________-
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles