Garoowe[RBC Radio]War goor dhawed kasoo baxay dowladda Puntland ayaa lugu sheegey inaysan Puntland aqbali doonin waxa ka soo baxa,shir maantey ka furmey Muqdisho kaaso looga hadlayo siyaasada iyo aayaha Soomaaliya,waxana shirka qabatey dowladda faderaalka Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo ay goor dhawed si wadajir ah magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ugu qabteen Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Axmad Shiikh Jaamacayaa iyo Wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac ayaa waxaa si cadd u sheegen inaysan raali ka ahayn qoddobada kasoo baxa shirka Muqdisho ka furmay kaasoo socon doono ilaa 5-da bishaan.
Sidoo kale Puntland waxaa ay dowladda faderaalka Soomaaliya ku eedeysey inay tahay dowladda ku eg magaaladda Muqdisho.
Si kasta oo ay noqotaba hadalka Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan ay Puntland sheegtey inay xiriirkii ku jartey DFS.
Faah faahinta warka goor dhaw kala sooco Raxanreeb.com.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio