Muqdisho{RBC Radio} Shir weynihii ay ku baaqday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta barqadii si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,kulanka oo ay ka qaybgalayaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan SH maxamuud,ergooyin ka socda maamulada gobolada dalka,Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo fara badan ayaa waxaa looga wada tashanayaa xaaladaha uu dalku kun sugan yahay.
Masuuliyiinta ka hadlay furitaanka shirka ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan oo dhammaan ergada shirka ka qaybgalaysa kusoo dhaweeyey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Tarsan ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ergada ka qaybgalaysa shirka ay mideeyaan caligooda iyo fikirkooda iney Soomaaliya ka qaadi karaan halka ay maanta taal,wuxuuna ku ammaanay madaxda dowladda abaabulka iyo qabashada shir weynahan.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xiligan khudbad kulanka ka jeedinaya,waxaana sidoo kale kulanka hadallo ka jeedin doona masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud.
Kulanka oo muddo 5 cisho ah socon doona ayaa waxaa lagu wadaa iney kasoo baxaan go’aano iyo talooyin wax ka bedeli kara xaaladaha cakiran ee dalka ka jira.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho