Gaalkacyo[RBC Radio]Kulan ay isugu yimaadeen xubno kala duwan oo ka kala socday maxkamadaha,booliska,hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ururada bulshada rayidkaa ayaa lagu qabtay hoolka shirarka nabadda ee Gaalkacyo.
Kulankani ayaa ahaa mid wajigiisii labaad la qabtay ka dib kulan ka horeeyay oo laba bilood ka hor la qabtay, kaasoo ay ka soo baxeen qodobo toban ah oo ku saabsanaa ujeedooyinkii kulankaasi.
Ujeedada kulankan ay soo qaban-qaabisay hay’adda maxaligaa ee Horn of african Center for Peace (HACP) oo gacan ka helaysa hay’adda FCA-Finlad ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadidda isku xirnaanta iyo wada shaqaynta hay’adaha sharciga qaabilsan sida maxkamadaha iyo booliska iyo in la qeexo sida lagu gaari karo nabad waarta oo ka hirgasha gobolkani.
Ugu horayn waxaa shirka furay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi, waxaana uu halkaasi ka akhriyay qodobadii ka soo baxay kulankii hore iyo waxyaabihii ka qabsoomay, Farxaan ayaa ka qayb galayaasha ka socda degmooyinka ka codsaday in ay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan wixii ka fulay qodobadaasi, gudoomiye ku xigeenku wuxuu sidoo kale ammaan iyo bogaadin ballaaran u soo jeediyay hay’adda FCA-Finland iyo hay’adda HACP taageerada joogtadaa iyo barnaamijka muhiimka ay ee ay ka fuliyeen gobolka.
Agaasimaha hay’adda HACP Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad dheeriya ka bixiyay bani’aadamka iyo dabeecadihiisa, isagoo tusaale u soo qaatay nadriyada caalamka culuumta sayniska.
…””’ Bani’aadanka waa bulsho dabiici ahaan, waxaa daruuri ah in la hagaajiyo macaamilka ay wadaagaan iyo waxa ka dhaxeeya (Khayraadka), kaas oo had iyo goor sal u ah khilaafka soo kala dhex gala bani’aadanka…”‘” ayuu yiri Suldaan C/salaan.
Xeer-ilaaliyaha guud ee maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Mudug ayaa isaguna dhankiisa sharaxaad ka bixiyay wixii u qabsoomay ka maxkamad ahaan labadii bilood ee la soo dhaafay.
…””’Xiriirka hay’adaha garsoorka aad ayuu u wanaagsanaa labadii bilood ee aynu ka soo gudubnay, horay waxaanu uga caban jirnay faragalinta hawlaha la xiriira kiisaska maxkamadda, arintaasna aad ayay u hagaagtay, xiriirka bulshada iyo maxkamadaha hormar ayaanu ka gaarnay, waxaanse codsanaynaa in wacyi galinta la badiyo sida ay samaysay hay’adda HACP oo kaashanaysa FCA-Finland oo kale…”‘”‘ ayuu yiri xeer-ilaaliyuhu.
…””Waxaan ammaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa hay’adda FCA-Finland iyo hay’adda maxaligaa ee HACP oo runtii kulamo muhiima inoo qabtay waayo horay umaanan arki jirin kulamo ay ku kulmaan masuuliyiin intan le’eg…”‘”"ayuu mar kale si kooban u yiri xeer-ilaaliyuhu.
Gabagabadii kulankan ayaa khudbad qiiro muujinaya waxaa ka jeediyay dhamaan xubnihii ka soo qayb galay’ waxaana loo balamay kulan kale oo soo socda in lagu soo bandhigo qodobada ka soo baxay kulamadani.
Xubnaha kulanka ka hadlay ayaa ka kala socdau ururada haweenka,dhalinyarada,wakiilka hay’adda biyaha ee gobolka iyo isu-duwayaal ka tirsan wasaaradaha iyo waliba xubno ka socda bilayska.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio