Dhuusamareeb{RBC Radio} Gudoomiyihii golaha fulinta ahlu sunna ee shalay xilka laga qaaday ayaa sheegay inuu wado qorshe uu ku doonayo inuu ku gaarsiiyo gobolka Galgaduud ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidanka Jabuuti.
Cabdi Cali Fiidow gudoomiyihii hore ee golaha fulinta maamulka ahlu sunna waljamaaca ayaa daboolka ka qaaday inuu sii wadayo qorshe uu ku hawlanaa mudooyinkii uu xilka hayey oo ahaa sidii AMISOM loo geyn lahaa Galgaduud ,Cabdi Cali Fiidow ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay hawlihii uu shacabka gobolkaas usoo qabtay mudadii uu shaqaynayey.
“waxaan ku faraxsanahay inaan ummadeyda gaarsiiyo hannaanka dowladnimo sida gobolada kale ee lamidka ah,waxaan xiligan ku dadaalayaa sidii aan ciidanka AMISOM u keeni lahaa gobolka,arintaas waxaan kala hadlay saraakiisha ciidanka Jabuuti iyo madaxweynaha dowladda waanune ku heshiinay” sidaasi waxaa sheegay Gudoomiyihii hore ee golaha fulinta Cabdi Cali Fiidow.
Fiidow ayaa sheegay in sababta uu ciidanka AMISOM u geynayo gobolkaas aysan ahayn amni xumo ka jirto gobolka Galgaduud balse wuxuu tilmaamay iney doonayaan in ciidanka AMISOM ay tababar iyo Saanad siiyaan ciidamada dowladda ee la xaraynayo.
“Ami xumo looma geynao ciidanka AMISOM balse hadii ay gobolka tagaan waxaa hubaal ah iney shaqayn lahaayeen garoomada diyaaradaha gobolka,waxaa gobolka imaan lahaa Hay’adaha gargaarka oo kusoo dhiiranaya goobaha ay gacanta ku hayaan ciidanka AMISOM,waxay sidoo kale dhanka dhaqaalaha tababarka iyo saanadda ka taageerayaan ciidamada la xaraynayo “ayuu yiri Cabdi Cali Fiidow.
Xubnaha golaha tashiga culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa shalay shir ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxa ay xilkii kaga xayuubiyeen Cabdi Cali Fiidow oo ahaa gudoomiyihii golaha fulinta maamulka ahlu sunna.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho