Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti ka socday Qaramada Midoobay iyo AMISOM oo Beledweyne gaaray kulamane la qaatay maamulka iyo bulshada magaaladaasi

$
0
0

beledweyneeledweyne{RBC Radio} Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waftiga ayaa la sheegay in ujeedka safarkoodu uu la xiriiro sidii ay u qiimayn lahaayeen xaaladaha amni ee gobolka iyo hawlaha ay Hiiraan ka wadaan ciidanka  AMISOM.

taliyaha qaybta booliska gobolka Hiiraan  Isxaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta uga warbixiyey booqashadii ay waftigaasi ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,wuxuuna sheegay in waftigaasi ay ka koobnaayeen saraakiil ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,hay’adaha Qaramada Midoobay iyo taliska ciidanka AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Hiiraan ayaa tibaaxay in waftigu ay kulamo la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,wuxuuna tilmaamay iney u sheegeen iney u socdaan sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda guud ee gobolka Hiiraan iyo qaabka ugu suurtagalsan ee ciidanka AMISOM loogu bedeli karo ciidamo ku hawlgala Magaca Qaramada Midoobay.

Isxaaq Cali Cabdulle ayaa xusay in waftigu ay kormeereen xarumo ay ka mid yihiin fariisinka ciidanka AMISOM ee xerada Lamagalaay,Saldhigga booliska magaalada Beledweyne iyo xarunta maamulka gobolka Hiiraan,wuxuuna intaa ku daray in socdaalka wafigan uu qayb ka ahaa indha indhaynta hawlaha ay ciidanka AMISOM ka hayaan magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

 

 

 

 RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles