Bakool{RBC Radio} Al-shabaab ayaa sheegay iney ciidamada Ethiopia la galeen dagaal ay ku gaarsiiyeen khasaaro fara bada, afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab la hadlayey ayaa guul ka sheegtay dagaal ciidamada Ethiopia iyo Al-shabaab ku dhexmaray degmada ceelbarde ee gobolka Bakool.
SH C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ay duulaan ku qaadeen degmada Ceelbarde oo fariisin muhim ah ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia,wuxuuna tilmaamay in ciidanka Ethiopia ay u diyaar garoobayeen weerar ay ku qaadaan deegaanka Qurac-Joome ee gobolka Bakool oo ay gacan ku hayntiisa la wareegeen Al-shabaab,balse wuxuu tibaaxay in ciidankoodu ay weerar kedis ah ku qaadeen halkaasne ay khasaaro Lixaadleh ku gaarsiiyeen.
Afhayeenka hawlgallada Al-shabaab SH C/casiis Abu Muscab ayaa sheegtay iney dagaalkaas ku dileen 16 askari oo ka tirsan ciidanka Ethiopia halka ay 30 kalane ku dhaaweceen sidda uu sheegtay,Abu Muscab ayaa intaa ku daray iney sidoo kale dagaalkaas ku dileen 13 askaro oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Abu Muscab ayaa oo sii hadlaya ayaa intaa raaciyey iney dagaalkaas ku gubeen 3 gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Ethiopia isagoona xusay iney sidoo kale gubeen Bakhaar uu hub ugu Kaydsanaa ciidanka Ethiopia kaasoo gabi ahaantiisaba balsbeelay kadib markii ciidanka Al-shabaab ay gantaal la heleen sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ayaa carrababaabay in dagaalkani uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ay dhawaanahan la galaan ciidamada Ethiopia,Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalkani uu baajiyey weerar ay ciidanka isgarabsanaya la maaganaayeen iney ku qaadaan deegaanka Qurac-joome oo dhawaan Al-shabaab ay la wareegeen,ma jiro wax war ah oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay kasoo saareen sheegashada Al-shabaab
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho