Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda oo tafaasiil ka bixisay shirweynaha qaran ee maanta lagu wado inuu Muqdisho ka furmo

$
0
0

yarisowMuqdisho{RBC Radio} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ajandayaasha shir weynaha qaran ee maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka  Soomaaliya  Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa tafaasiil ka bixiyey shirka maanta la filayo inuu Muqdisho ka furmo.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in shirku uu socon doono muddo 5 cisho ah,wuxuuna tilmaamay in shirka furitaankiisa ay qudbado ka jeedin doonaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya kadibne la guda gali doono ajandayaasha shirka.

Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa tibaaxay in ajandaha uu ku soconayo shirku ay soo diyaaariyeen gudi gaar ah kuwaas oo dowladdu ay u xilsaartay,wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirka lagu casuumay Labo Boqol oo ruux oo ka kala yimi dunida dacaladeeda,afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in dowladdu ay shirkaa ka filayso iney kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo u cuntamaya una adeegaya danaha ummadda Soomaaliyeed.

Inj. Yariisow ayaa tilmaamay iney jireen dad badan oo istaahilay in shirkan lagu casuumo balse wuxuu sheegay in tasiilaadka ay dowladdu bixin karto uu ku kooban yahay Casuumaada Labada boqol ee ergo,wuxuuna kula dardaarmay ergada shirka ka qaybgalaysa iney ku dadaalaan sidii  shirkaas ay uga soo bixi lahaayeen go’aano iyo talooyin  wax ka bedeli kara dhibaatada dabada dheeraatay ee dalka ka jirta.

Qabanqaabada shirka ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho amniga ayaa si weyn loo adkeeyey,  waxaana kamid ah Waxyaabaha diirada lagu saari doono shirka  Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee lagu muransan yahay, sidii dib u heshiisiin dhab ah Soomaalidu u gaari lahayd,qaabkii Xisbiyo Siyaasadeed dalka looga hirgalin lahaa meeshane looga saari lahaa Qaab Beeleedka ay xiligan ku dhisan yihiin Hay’adaha dowladda iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin  xor ah oo Muwaadin walba uu codkiisa dhiibta marka uu dhammaado 4ta sano ee  dowladda federaalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles