Dhuusamarreeb[RBC Radio]Magaaladda Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maantey kulan ku yeeshey golaha talada ee maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca,waxan ay shirkooda xilka uga qaaden guddoomiyihii guddiga fulinta ee ururka Cabdi Cali Fiidow kaaso muddadan danbe xilka u hayey ururka.
Xilka qaadis taan ayaa ka danbeeysey kadib markii guddoomiyihii guddiga fulinta lugu eedeyey inuu ka gaabiyey inuu guto waajibadkii loo igmadey.
Xiligii usoo dhamaadey shirka ay lahaayen golaha talada maamulka Ahlu Sunna ayaa waxaa saxaafada lahadley guddoomiyaha golaha talada ee Ahlu Sunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir Aadan,kaaso si cadd u sheegey in Cabdi Cali Fiidow guddoomiyihii guddiga fulinta laga gaadey xilkii uu u hayey Ahlu Sunna.
Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir Aadan guddoomiyaha golaha talada ee Ahlu Sunna waxaa uu sheegey in xil ka gaadistan ay timid kadib markii Cabdi Cali Fiidow uu ku guul-darreystay gudashada waajibaadka loo igmaday,taaso keentey inuu ururku ka shiro sida ay ka yeeli doonan kadibna ay usoo baxdey in xilka laga qaado.
Masuulka xilka laga qaaday oo maalintii shalay warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uusan waxba ka qabin haddii xilka laga qaado, laakiin waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay eedeymaha loo soo jeediyay.
Cabdi Cali Fiidow oo xiligaan xilka laga qaaday ayaa xilka guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna qabtay bishii February ee sanadkan, isagoo xilka qabtay kaddib markii uu geeriyooday guddoomiyihii guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio