Qardho[RBC Radio] Xaflad si habsami leh loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotel ALLA Aamin ee Magaalada Qardho, xafladaasi waxaa soo agaasimay Ururka Ilaalinta Bey’ada Soomaaliyeed oo loo soo gaabiyo Somali Environmental Watch (SEW)
Xaflada ayaa ku dhacday jawi degan oo ay ka soo qayb galayaashii oo dhami ka wada maqsuudeen sida wanaagsan ee ay u dhacday; xaflada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Saciid Hogaamo, Musharaxa Madaxweynanimo ee Dowlada Puntland Muddane. Cali Cabdi Awaare oo labaduba halkaasi ka soo jeediyay qudbado wax ku ool u ah bulshada kana turjumayay sababta xaflada loo qabtay.
Ujeedada Xaflada ayaa aheyd in bulshada lala wadaago tacadiyada Bey’ada, Tahriibta oo beryahan dambe dhalinta si aad ah ugu daadanayeen iyo sidii wada jir laisaaga kaashan lahaa wax la qabashada ardayda waxbarashada ka tagta (drop outs) oo iyada ah dhanka waxbarashada arrin u baahan in wax laga qabto.
Waxaa ugu Horeyntii lagu furay ayaadaha Qur’aanka Kariimka waxaan aqriyey Macallin Aadam Xasan Muudey waxaa ka dib ereyo soo dhaaweyn, mahadcelin ku saabsan ahdaafta Ururka laalinta Bey’ada ka soo jeediyay ka jeediyey kulanka Maxamed Cawad Gelle oo ka tirsan SEW, wuxuuna bulshadii ka soo qayb gashay kulankaasi ka codsaday in la iska kaashto wax ka qabshada xadgudubka bey’ada, Tahriibta iyo in lawada doono xalka ardayda loogu dhiiragelinayo in ay waxbarashada ku sii baaqi ahaadaan illaa ay dhameystaan waxbarashadooda.
Waxaa sidoo kale bandhig dhinacyadii xaflada ku saabsaneyd halkaasi ka sharaxay Xoghayaha Guud ee SEW Mr. Axmed Salaad Cusmaan ‘Siidow’ oo ku soo bandhigay Sawiro ka tarjumayay Khatarta Tahriibta, gubida & jarida dhirta, sawiradii halkaas lagu soo bandhigay ayaa ahaa kuwo dadkii ka soo qaybgalay si weyn u taabtay maadaama dad badan ku dhintaan tahriibta.
_______________________
RBC Radio
Xafiiska Qardho