Qardho[RBC Radio] Xaflad balaaran oo lagu caleemo saaray Islaanka Guud ee Beesha Cabdirixiin Ibraahim ayaa waxaa lagu qabtay magalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,waxaana Caleema saarka Islaanka ka qeybgalay Maamulka Gobolka Karkaar,Sii haayaha Xilka Boqorka Beelaha Daarood,Isimada,Nabadoonada,Aqoonyahano,ururada Dhalinyarada,Haweenka iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Xafladda Caleema Saarka Islaanka Guud ee Beesha Cabdirixiin Ibraahim ayaa waxaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan,waxaana dadkii ka qeybgalay caleema saarka Islaanka ay soo dhaweeyey xilka loo igmaday,waxa ayna alleh ugu baryeen in uu la garab galo xilka culus ee loo dhiibay.
Burhaan Boqor Muuse sii hayaha xilka Boqorka beelaha Daarood oo ka hadalay Caleema Saarka Islaan Axmed Islaan Maxamuud Islaan Maxamed Islaan Faarax ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka qeybgalay caleema saarka Islaanka,waxa uu sheegay in ay soo dhaweenayaan Islaanka,illaahayna lagarabgalo xilka loo doortay.
Gudoomiyaha Gobolka karkaar Cabdiqur’aan Maxamed Aadan oo ka hadalay Xafladda Caleema saarka Islaanka Beesha Cabdirxiiin ayaa sheegayin ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay dhameystiraaan wax yaabaha ugu xiran Dowladda ayna garab taaganyihiin islaanka.
Islaan Axmed Islaan Maxamuud Islaan Maxamed Islaan Faarax ayaa u mahadceliyey dhamman dadkii ka qeybgalay caleema sarkiisa,waxa uu sheegay islaanka in uu ka soo bixi doono xilka maanta loo doortay,dadkana ugu adeegi doono si cadaalad ah, waxa uuna u duceeyey dhammaan Umaadda Somaliyeed in uu ka dulqaado colaadaha iyo dhibaatooyinka ragaadiyey.
Islaan Axmed Islaan Maxamuud Islaan Maxamed ayaa ah nin dhalinyaro ah oo wax ka barta Magalada Qardho,waa mid kamid ah Imaamyada Masajidda Qardho ,waana waacid intabadan dadka ka wacdiya masajidda,waxaana dadkii ka qeybgalayCaleema saarkiisa ay sheegeen in uu yahay Islaan ka soo bixi kara Xilka loo igmada.
Islaanka ayaa waxa uu xilka loo magacaabay kadib markii uu geeriyooday aabihiis Islaan Maxamuud Islaan Maxamed 4-9-2012 Gudiga Beesha ayaa sheegay in la tashiyo kadib ay isku raaceen in Islaanimada loo caleemo saaro Islaan Axmed Islaan Maxamuud Islaan maxamed.
_______________________
RBC Radio
Xafiiska Qardho