Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xaflad Loo Qabtay Ardeyda Dugsiga H/Dhexe ee Kuba Oo Ka Dhacday Magaaladda Qardho [Sawirro]

$
0
0

SONY DSCQardho[RBC Radio]  Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen Gudoonka Waxbarashda Degmada,Saraakiil  ka socday Hay’adda Save the Children,Gudiga waalidiinta Dugsiga Kuba,ardayda waxkabaratay Dugsiga Kuba,maamulka iyo macalimiinta iskuulka  ayaa waxaa lagu qabtay xarunta iskulkaasi.

Waxaana laga soo jeediyey khudbado kala duwan oo loogu hadlay waxbarashda ka jirta iskulka kuba,waxaana intii ay socotay xafladaani arydayda ay soo bandhigeen riwaayad ka hadleysa tahriibka waxaana si weyn ula dhacay dhammaan dadkii ka qeybgalay xafladaasi.

Sidoo kale ardayda wax ka barta Dugsiga Hoose Dhexe ee Kuba ayaa soo jeediyey khudbado kala duwan oo ay ku cabirayaan heerka aqoonta ay ka barteen Dugsiga Kuba,waxana si weyn arintaasi u soo dhaweeyey Gudoonka waxbarashda Dedmada Qardho.

Aadan Hirad Xirsi Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Kuba oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in iskuulka ka midyahay iskuulada ugu weyn ee ku yaalo Gobolka karkaar,waxaana tan iyo markii la furay ka baxday ardayda badan oo qaarkood soo dhameeyey Jaamacaddo ay u aadeen gudaha iyo dibadda taasina waxa ay ku tusineysaa in iskuulka yahay mid si weyn ugu dadaalo sidii u soo saari lahaa arday tayo leh aqoontooda lagu kalsoonaankaro.

Wux uu Maamuluhu  sheegay in sanadihii danbe Iskuulka isbadal dhanka dhismaha lagu sameeyey waxaana loo dhisay Garoon ay ardayda ku ciyaaraan Baaskidka, waxaana arintaasi la dhacay ardayda wax ka barata Dugsiga Kuba.

SONY DSC

Siciid Maxamed Faahiye Gudoomiyaha Gudoonka waxbarashada Degmada Qardho oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweenaya aqoonta ay soo bandhigeen ardadayda wax ka barta Dugsiga Kuba,waxa uu sheegay in uu aad ugu qancay arday dayar hadana awooda in ay ka hor hadlaan xaflad ay dad badan ka soo qeybgaleen walibana ay soo bandhigaan aqoonta ay leeyihiin,waxa uuna ku booriyey in dadaalkooda ay halkaasi ka si wadaan.

Maxamed Shiikh Osmaan oo ka mid ah shaqaalaha hey’adda Save the Children ayaa sheegay in iskuulka Kuba ay kala shaqeeyaan waxbarashda barnaamijyo badan oo lagu taageerayo aqoontana ay ka fuliyeen Iskuulka kuba, hadana waxa uu sheegay in ay u soo  wadaan Barnaamij lamagac baxay Waxbarashada waa Iftiin oo loogu talagalay in kor loogu qaato waxbarashda.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay arday ka baxday dugsiga Kuba oo haatan jaamacado ka dhigta dalka iyo dibadda waxa ayna sheegeen in ay jaamacaddaha ay dhigataan ka tilmaamanyihiin waxa ayn xuseen in ay kaalmaha ka galaan kulyada ah wax ka bartaan.

Dugsiga kuba ayaa ka mid ah iskuuladii ugu horeeyey ee laga furay magalada Qardho waxaana tan iyo markii la furay ka qalin jabiyey arday badan.

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC

 

___________________

RBC Radio
Xafiiska Qardho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles