Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Siyaasi Sowjar : Heshiiskii DF iyo Jubba waa Guul Taariikhi ah (Dhageyso)

$
0
0
Siyaasi Cumar Sowjar

Siyaasi Cumar Sowjar

Minneapolis (RBC Radio) Siyaasi Cumar Sowjar oo kamid ahaa musharaxiintii isu taagtay xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya sanadkii 2012 ayaa soo dhaweeyey heshiiskii Addis Abbaba kuwada gaareen Dowlada Fedraalka iyo Maamulka Jubb ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe”.

Siyaasi Sowjar ayaa waxa uu ku tilmaamay natiijadii heshiiskaas mid ay shacabka Soomaaliyeed dhamaantood ay wada guuleysteen.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Shirkaas waa guul usoo wada hoyatay dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool reer Jubbaland oo dadaalka badan sameeyey bilooyinkii ugu danbeeyey ee aan soo dhaafnay arintaas auu arin runtii taariikhi ah waa arin waxtarkii ka yimaada ay iska leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH iyo Hogaamiyaha KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan”

Dhanka kale Siyaasi Cumar Sowjar waxa uu madaxda Dalka ku booriyey in dhamaan beelaha wada dega 3da gobol ee Maamula Jubba kawada tirsan si cadaaladeysan wax loogu qeybiyo.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Waxaan filayaa dhamaan beelaha Jubooyinka degan oo xaq kuleh qeybtooda laiin doono hawlahaas waxaa filyaa in lagu dhameyn doono shirarka soo socda”

Mar uu ka hadlayey goaanka Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Xassan SH ee uu kula heshiinayo Maamulka Puntland ayaa waxa uu yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Arinka la isku hayey waxa ay aheyd mid dastuuri ah aad iyo aad baan usoo dhaweyneynayaa go’aanka uu Madaxweynuhu qaatay oo ah in uu xaliyo khilaafka dhexyaala Puntland iyo DF ka, Madaxweynuhu haduu hada usoo jeestay in uu xal waara raadiyo aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa saas ayeyna iila muuqataa in ay sax tahayna baan filayaa”

Hadalka Siyaasi Sowjar waxa uu ku so beegmayaa iyada oo Muduharaad looga soo horjeedo heshiika Adis Abbaba ee kuwa gaaray DF ka iyo Maamulka Jubba uu ka dhacay Magaalada Baydhabo halka mid siweyn loogu taageerayo heshiiska uu ka dhacay Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

RBC  Radio
Minneapolis MN
(612) 615-9556

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles