Muqdisho{RBC Radio} Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid iyo saraakiil kale,oo kormeer ku sameeyay garoonka kubadda cagta ee istaadiyow Muqdisho, wuxuuna kulamo kula qaatay saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkayn lahaa amaanka magaaladda Muqdisho.
Cabdixakiin Daahir Saciid iyo saraakiisha uu hogaaminayay ayaa markay gaareen garoonka Istaadiyow Muqdisho waxa ay kormeereen qaybaha kala duwan ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka deganyihiin garoonka Istaadiyow Muqdisho, waxaa ayna halkaas ku soo arkeen qalabka looga hortago marka ay dhacaan Banaan baxyada qalalaasaha wata
Kulanka ay maanta ku yeesheen saraakiisa labada dhinaca garoonka istaadiyow Muqdisho ayaa saxaafaddu dibad joog ka ahayd, waxaana warbaahinta uga waramay waxyaabihii ka soo baxay kulanka ay maanta qaateen Taliyaha ciidamadda booliska Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska AMISOM.
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sida ay amaanka Muqdisho uga shaqeeyeen Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in magaalada Muqdisho uu amaankeedu suganyahay, ayna jirto goobo cayiman oo ay fadhiisimo ka samaysteen ciidanka Booliska, waxaana uu taas ku tilmaamay in ay qayb ka tahay sugidda nabad galyadda magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho